Wafdi hordhac u ah booqashada Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Dhuusamareeb

0
199

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in wafdi hordhac u ah booqasho lagu wado inuu ku tago Dhuusamareeb Ra’iisul Wasaare Kheyre inay gaareen magaalada Dhuusamareeb.

Wafdigan ayaa waxaa ay isugu jiraan shaqaale ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo ilaalada gaarka u ah ra’iisul wasaaraha.

Ammaanka garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb iyo guud ahaan ammaank amagaalada ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka amniga dowladda iyo kuwa AMISOM.

Booqashada ra’iisul wasaare Kheyre uu ku tagayo Dhuusamaeeb oo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa ku soo beegmaysa xilli weli ay socoto soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Galmudug iyo weliba qabanqaabada doorashada Madaxweynaha.

Jadwal ay hore u shaaciyeen guddiga farsamada doorashada Galmudug ayaa dib u dhac ku yimid iyadoo jadwal labaad oo ay dhowaan soo saareen uu u muuqdo mid aan ku hirgeli karin sidii loo qorsheeyay.

Waxaa jira weli cabasho ay muujinayaan qaar kamid ah beelaha dega Galmudug iyagoo ka cabanaya tirada xildhibaanada la siiyay Ahlu Sunna iyo weliba ururka Ahlu Sunna oo diiday in xildhibaanada la siiyay lagu xiro wax shuruudo ah.






SOURCE: Wafdi hordhac u ah booqashada Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Dhuusamareeb

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.