Wafdi hordhac u ah Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Kismaayo

0
26

Wafdi hordhac u ah Ra’iisul-Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Kismaayo iyadoo la rajeynayo inuu gaaro ra’iisul Wasaare Kheyre.
Xubnaha wafdigan gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah ciidamada qaaska u ah ra’iisul wasaaraha iyo weliba shaqaalaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay beri oo Jimce ah gaaraan magaalada Kismaayo iyadoo haatan laga dareemayo magaalada Kismaayo qabanqaabada boqoashada ra’iisul wasaare Kheyre.
Maamulka Jubbaland ayaa heshiis la gaaray dowlada federalka waxana booqashada ra’iisul wasaare Kheyre ay la xiriirta sidii loo soo afjari lahaa khilaafka hore ugaga dhexeeyey Maamulka Jubbaland iyo Dowlada Federalka.
The post Wafdi hordhac u ah Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Kismaayo appeared first on jowhar Somali News Leader.




SOURCE: Wafdi hordhac u ah Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Kismaayo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.