Wafdigii loo diray ciidanka gadooday ee Balcad oo la weydiiyey su’aalo yaab leh

0
280

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo shalay ka soo baxay furumaha dagaalka ee Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa xalay su’aalo ka yaabiyay waydiiyay xubnihii wasiirada ahaa ee xalay kulanka kula qaatay degmada Balcad.Ciidankaan ayaa wasiirada marka hore uga mahad celiyay soo booqashadooda waxayna kadib ay cambaareeyeen wafdiga wasiirada iyo abaan-duulaha Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyagoo ku tilmaamay mas’uuliyiin qabiil balse aan aheyn xubno qaran.Sida ay goobjoogeyaal noo sheegeen, Ciidamada ayaa waydiiyay wasiiradii u tagay su’aalahaan “hadii aad tihiin qaran maxaa naga soo doontayn idinkoo ah hal qabiil? Aaway Wasiirkii Gaashaandhigga, ku xigeenkiisa, iyo wasiir u-dowlaha Gaashaandhigga ee aan hoos tagno? Intaas hal qof oo kamid ah malaga waayay”, Wasiirada ayaa is eeg eegay waxayna ku noqotay la yaab su’aalaha la waydiiyay.“Muxuu naga soo doonay wasiirka warfaafinta, muxuu naga soo doonay wasiirka amniga, ma waxaan nahay Booliis, walaalkayn Odawaa hore ayaa isu aragnay waxna noo qaban waayay ee hada muxuu noo taraa” sidaasi waxaa yiri Saraakiil katirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee shalay ka soo baxay furumaha dagaalka.Hadallada Ciidamada ayaa aad uga yaabiyey Wasiiradii xalay ugu tagay Xerada Hiil-wayne ee degmada Balcad waxayna u sheegayn in loo soo diray qabiil oo aan loo dirin qaran Xubno ka socda.“Waxaa halkaan u timaadayn waa inaa qabiil ka socotaan annagana aad naga dhigtayn qabiil, sidaas darted u laabta Farmaajo ee u sheega inaa nahay qaran oo aan rabno qaran dad ka socda, hasa-yeeshaa ogaada inaa idin jecelnahay oo aan idin qiimaynayno”ayaa lagu yiri wafdigii wasiirada ahaa ee shalay gaaray degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha dhexe.Wararka ayaa sheegaya in markii dambe wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, uu u qabtay muddo saddex maalmood ah in lagu xalin doono kiiskooda, wuxuuna Muqdisho kusoo laabtay, ayada oo laga sugayo fulinta ballan-qaadkaas.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: Wafdigii loo diray ciidanka gadooday ee Balcad oo la weydiiyey su’aalo yaab leh

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.