Waqtiga la keenayo lana aasayo Meydka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh oo la shaaciyay

0
67

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in meydka Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh JIbriil la keeni doono maalinta berri ah islamarkaana isla beri la aasi doono.
Qabanqaabada aaska ayaa waxa ay ka socotaa caasimada dalka ee Muqdisho iyadoo aas qaran loogu sameynayo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, iyadoo qaban qaabada Aaska Qaran ee loo sameynayo Wasiirkii Wasaarradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo shalay ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta ay ka socoto magaalada Muqdisho.
Aaska Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan madaxda qaranka iyadoo uu baajiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre safar uu ku tegi lahaa magaalada Kismaayo.
Guddiga loo xil saaray aaska meydka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh ayaa xalay yeeshay kulan waxaana hoggaaminaya Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed waxaana ka mid ah Wasiiradda, Warfaafinta, Waxbarashadda, Kalluumeysiga, Amniga iyo Arrimaha dibadda.
The post Waqtiga la keenayo lana aasayo Meydka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh oo la shaaciyay appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Waqtiga la keenayo lana aasayo Meydka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh oo la shaaciyay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.