WAR BIXIN GAAR AH KULANKA REAL IYO VILLARREAL.

0
164

Kooxda uu hogaaminayo macalin Zinedine Zidane ayaa waxaa ay booqan doontaa Guriga Naadiga Todobaadkii ugu dambeeyay ay sida xun u garaacday ee Villarreal.

Kulankaan oo ah kan ugu dambeeya Horyaalka La liga ayaa ee labadan koox ay kasoo muuqan doonaan ayaa labada dhinac waxaa laga fili karaa Dadaal aad u wayn.

Kooxda Real waxaa ay soo dhalisay lugtii hore ilaa 6 gool oo ciyaartaasi waxaa ay kusoo idlaatay 6-0.

Barcelona oo laga badiyay dhawaan ayaa waxaa kooxda Real ay ka dambaysaa 15 dhibcood cel celis ahaan dhinaca kala saraynta halka 3 dhicood ay ka dambayso kooxda kale ee xifaaltanka uu kala dhaxeeyo Atletico Madrid.

Wadada kaliya ee Los Balancos raadinayso kuna ducaysanayaan ayaa ah in Villa Real ay ka badiyaan iyo in ay kufto Atletico si ugu yaraan Tirsiga goolasha kaalinta labaad ugu soo baxaan.

Tartanka: La liga

Kulanka: Villarreal vs Real Madrid

Wakhtiga: 9:45pm

Garoonka: Stadio de la Ceramica

RUNTA KU SALAYSAN LABADA KOOXOOD.

Real: Real Madrid ayaa badisay tiro 2 jeer ah 6dii kulan ee ay is arkeen Kooxda Villarreal’  laba marna Bar baro ayay galeen,halka Laba kulanna la garaacay balse waxaa xusid mudan in mid kamid ah Guulaha ay gaartay Real ay ku samaysay garoonka Stadio de la Ceramica bishii Febraayo sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2017-ka.

Villarreal” kooxdan ayaa waxaa ay wadataa iskoor aad u wanaagsan oo ku aadan in 3dii kulan ee ugu dambaysay garoonkeeda aan looga badin.

Waxaa ay saxiixeen 2 ilaa iyo 3dex gool kulankataa oo ay kasoo muuqdeen.

Kooxdan oo horyaalka u soo dalacday xili ciyaareedkii 2013kii 2014kii ayaa waxaa inta badan ay aad u dhibtaa Real mar walba oo ay iska hor yimaadaan iyadoona aan saadaal dhab ah laga bixin Karin Natiijada kasoo bixi karta kulanka caawa.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.