WAR CUSUB: JOSE MOURINHO OO FASAXAYA 5 XIDIG 5 KALENA SOO QAADANAYA. YAA BAXAYA YUUSE SOO QAADANAYAA?

0
227

 Macalin Jouse Morinho ayaa waxaa uu faray maamulka kooxdiisa in miiska ay saaraan ilaa 250 milyan si uu si wanaagsan uga soo kaluumaysato Suuqa kala iibsiga Ciyaaryahanada.

Qorshan ayuu ka leeyahay macalin Mourinho in uu soo qaato ilaa 5 xidig oo kooxda baahiyaha ay qabto si dhab ah u dabooli kara.

Wargayska The Mirror ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday waydiisashada mourinho uu waydiistay madaxa fulinta kooxda in uu bixiyo lacagahan si howlgal wanaagsan uu suuqa uga sameeyo.

“Mourinho ayaa sheegay in uu doonayo soo xero galinta xidiga kooxda Tottenham Toby Alderweireld sidoo kale uu raadinayo xidiga ka tirsan kooxda Shaktar Donetsk oo lagu magacaabo Fred.

Sidoo kale The Mirror ayaa waxaa uu ku sheegay xidigaha kale uu raadinayo Jose in uu kamid yahay laacibka kooxda Nice Jean Seri.

Halka uu raadjoogo xidiga Jorginho oo ka tirsan Napoli.

Sidoo kale qorshaha suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee Manchester United  ayaa waxaa ku jira xidiga Alex Sandro oo ka tirsan Juventus.

Saxiixa ugu wayn ee uu Jose Mourinho Qorshaynayo Xagaagan ayaa ah soo qaadashada xidiga Greth Bale oo horay dhowr jeer uu ugu fashilmay balse xidigan ayaa haatan diyaar u ah in uu isaga tago kooxda Real Madrid.

Sidoo kale heshiisyadan inta aysan kooxda soo saxiixan ayaa waxaa lafilayaa in kooxda ay isaga tagaan dhowr xidig oo in mudo ah old Trafford joogay.

Xidigaha la filayo in ay ka tagaan United ayaa waxaa kamid ah Daley Blind,Matteo Darmain,Luke Shaw,Anthony Martial,Marouane Fellaini.

Dadaalka ugu wayn Tababaraha kooxdan samaynayo ayaa ah sidii kooxda ay ku hanan lahayd horyaalka Premier Leage 5sano kadib.

 

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.