War Deg-deg ah; Dilal aargoosi la xiriira oo ka dhacay magaalada Jowhar.

0
23

Labo ruux  ayaa si kala
gaar gaar ah loogu  diley magaalada
Jowhar goor dhow kadib markii saaka uu diley askari wiil kalluumeysato ah.

Labada ruux ayaa la sheegay in loo diley falal aargoosi la
xiriira iyadoo mid kamid ah dilkiisa loo adeegsaday mindi.

Sidoo kale haweeney ayaa ku dhaawacantay kadib markii rasaas
ay fureen dabley hubeysan oo ka careysan dilka mid kamid ah ganacsatada
magaalada Jowhar.

Waxaa magaalada ka taagan xiisad colaadeed iyadoo ciidamaduna
ay bilaabeen inay sugaan ammaanka magaalada Jowhar.

Wixii ku soo kordha wararkan la xiriira xiisada ka jirta
magaalada jowhar kala soco jowhar.com




SOURCE: War Deg-deg ah; Dilal aargoosi la xiriira oo ka dhacay magaalada Jowhar.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.