War ka cusub qunsulkii ay Itoobiya usoo magacowday maamulka Somaliland (Aqri)

0
297

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland soo gaadhay qunsulka cusub ee ay dawladda Itoobiya u soo magacowday Somaliland danjire Shamsudiin Axmed Rooble.Ma jiro wax war ah oo ay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo Qunsuliyada Itoobiya ka soo saareen imaanshaha qunsulka cusub, laakiin warar aa helnay ayaa xaqiijiyay in Shamsudiin uu arbacadii ka soo degay madaarka Cigaal ee Hargeysa.Ma jirin cid ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo qunsulkan cusub ku soo dhawaysay madaarka Cigaal.Danjire Shamsudiin ayaa bedeli doona qunsulkii hore ee Itoobiya Berhe Tesfaye oo muddo toban sannadood ah ahaa qunsulka Itoobiya u jooga Hargeysa.Qunsulkan cusub ayaa ah diblomaasi sare oo Itoobiya safiir uga soo noqday dalalka Kenya iyo Djibouti, waxaanu ka mid yahay diblomaasiyiin tiro badan oo ay Itoobiya u magacowday safaaradaheeda iyo qunsuliyadeedaha dunida ku kala yaala.Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com




SOURCE: War ka cusub qunsulkii ay Itoobiya usoo magacowday maamulka Somaliland (Aqri)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.