|

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Boosaaso iyo maleeshiyo hubeysan…

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada ammaanka Boosaaso ee Puntland iyo maleeshiyo hubeysan ayaa ka dhacay magaalada Koontaroolka magaalada laga soo galo, kaddib markii maleeshiyo hubeysan oo dhanka Carmo ka yimid ay weerareen ciidanka joogay Koontaroolka magaalada.
Warbaahinta maxaliga ee Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyadan gudaha u galay magaalada uu hoggaaminayay Nin lagu magacaabo Ciise Yulux.
Maleeshiyada hubeysan ayaa la sheegay inay gurmad u aheyd Ciidamo ay leedahay Hey’ad heysatay saadka Ciidamada Badda oo la sheegay inay saaka xiratay waddooyinka Boosaaso.
Wararka ayaa sheegaya inay magaalada ka taagan tahay xiisad ka dhalatay qandaraas lagala laabtay Hey’adda PDG oo heysatay saadka Ciidamada Badda Puntland ee ay tababartay Shirkadda Saracen.
Baraha bulshada ayaa la soo dhigay sawirro Maleeshiyo hubeysan oo wata gaadiid dagaal oo gudaha u galaya magaalada Boosaaso.
Xaalada magaalada ayaa ah mid degan, inkastoo laga cabsi qabo in maleeshiyada hubeysan ee magaalada dhinaceeda ku sugan inay isku dhacaan Ciidamada Puntland.

The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Boosaaso iyo maleeshiyo hubeysan… appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Boosaaso iyo maleeshiyo hubeysan…

DAAWO WAREYSI IYO JAWAAB UU M. FARMAAJO KA BIXIYEY

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application