Wararkii ugu dambeeyay doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Garowe

0
275

Garowe (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Garowe la filaya la filayaa inay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland oo musharixiin dhowr ah ay u taagan yihiin.Goobta doorashada ay ka dhaceyso oo ah xarunta baarlamaanka ee Puntland ayaa waxaa loo diyaariyay si wanaagsan, waxaana aad loo adkeeyay amaanka waddooyinka xarunta soo gala.Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka waxaa afar  maalin kadib xigi doonta doorashada madaxweynaha maamula Puntland, oo ay u taagan yihiin ku dhawaad 30 Musharax oo uu ku jiro madaxweyne Gaas.Musharixiinta Baarlamaanka Puntland ayaa ka badan shan Musharax, sida wararka aan ku heleyno, waxaana mid walbaa uu doonayaa inuu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.Ma jirto khudbado ay jeediyeen dhamaan Musharixiinta, waxaana maanta dhaceyso doorashada Guddonka baarlamaanka Puntland.Warar aan heleyno ayaa sheegaya in ka hor doorashada musharixiinta ay jeedin doonaan Khudbadaha ay kaga hadlayaan waxqabadka ay la imaanayaan haddii la doorto.Isla maanta ayaa la filayaa in la doorto guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenkiisa, sida wararka aan ku heleyno.La soco waxii kusoo kordhaa. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com 




SOURCE: Wararkii ugu dambeeyay doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Garowe

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.