Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha Qaraxii saaka (Arday fara badan oo ku dhimatay…)

0
22

Khasaare fara badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa ka dhashay qaraxii saaka ka dhacay Isgoyska ex Koontarool Afgooye ee dhanka Koofureed ee magaalada Muqdisho, iyadoo khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dad shacab ah.

Ku dhowaad labaatan ruux ayaa la sheegayaa inay dhimashadu gaareyso, waxaana qaraxa ka dhacay goobtaas uu waxyeelada ugu badan gaarsiiyay gawaari shacab ah oo wadada marayay.

Gaari BL ah oo ay saarnaayeen Arday dhigata Jaamacadda Banaadir ayaa khasaaraha ugu badan uu soo gaaray, waxaana ku dhintay inta badan dadkii gaariga saarneyd.

Muuqaalo argagagax leh ayaa laga soo sheegayaa goobta qaraxa ka dhacay, waxaana meydadka ku dhowaad 15 ruux la dhigay wadada dhinaceeda, kuwaasoo jirkooda aad u go’go’ay.

Qaraxa oo ahaa mid xooggiisa magaalada laga maqlay ayaa la sheegayaa in lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Engineero u dhashay Turkiga oo dhisayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana wararku sheegayaan in Engineeradaas ku dhinteen qaraxa.




SOURCE: Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha Qaraxii saaka (Arday fara badan oo ku dhimatay…)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.