Wararkii ugu dambeeyay xaalada Kismaayo iyo Hey’addaha Amniga oo bilaabay baaritaano

0
50

jowhar Somali News Leader
Xaalada magaalada Kismaayo ayaa ah mid degan, kaddib qaraxyo iyo weerar ay magaaladu marti gelisay gelinkii dambe ee jimcihii la soo dhaafay, iyadoo dad ku dhow sodon ruux ay ku geeriyoodeen.
Hey’addaha ammaanka Jubbaland ayaa bilaabay baaritaanka weerarka, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada.
Mas’uuliyiinta Ammaanka ayaa sheegay inuu socdo baaritaanka weerarka, isla markaana ay warbaahinta la wadaagi doonaan wixii ka soo baxa baaritaanada.
Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa amar ku siiyay hey’addaha ammaanka inay qaadaan tallaabooyin ka dhan ah cid alla cidii xiriir la laheyd weerarkii jimcihii la soo dhaafay dhacay.
Dadka reer Kismaayo ayaa weli hadal haya dhacdadii maalin ka hor oo ahaa tii u horeysay nooceeda oo ka dhacda Kismaayo 7 sano kaddib markii Al-Shabaab lagala wareegay Kismaayo.
Magaalada ayaa xalay bandow iskeed ah gashay, iyadoo waddooyinka magaalada lagu arkay ciidamo fara badan oo sugayay amniga.
Al-Shabaab oo sheegatay qaraxa iyo weerarka ka dhacay Hotelka Cas-casey ayaa ahaa weerarkii u horeysay ee ay magaalada Kismaayo ka fuliso.
 
The post Wararkii ugu dambeeyay xaalada Kismaayo iyo Hey’addaha Amniga oo bilaabay baaritaano appeared first on Jowhar.




SOURCE: Wararkii ugu dambeeyay xaalada Kismaayo iyo Hey’addaha Amniga oo bilaabay baaritaano

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.