Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Xaradheere iyo Shabaab badan oo la laayey

0
276

Xarardheere (Caasimadda Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee Dagaal Qaraar oo Alshabaab & Maleeshiyada degaanka ku dhex maray Xarardheere
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal qaraar oo maanta barqadii tuulada Caad ee degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dhex maray ciidammo ka tirsan Al-Shabaab oo tuulada joogay iyo malayshiyada degaanka ah oo weerar ku qaaday.
Dagaal ka oo socday muddo ka badan saacad ayaa la sheegay in ciidamada degaanka ay ku dileen ugu yaraan 6 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab, iyadoo dhaawacay ku dhowaad 10 kale, sida ay ku warrameen dadka degaanka, waxaana dadka degaanka ka dhintay 2 qof oo mid ka mid ah Al-shabaab ay toogasho ku dileen.
Inkastoo maleeshiyada deegaanka ay saaka qabsadeen deegaanka Caad, ayaa haddana la sheegay in Al-shabaab oo helay Ciidan gurmad ah ay dib ula wareegeen degaankaasi waxaana laga saaray maleeshiyadii degaanka.
Dadka degaanka ayaa ka hor yimid amar ay Al-shabaab ku soo rogtay oo ah inay wiilashooda ku wareejiyaan Alshabaab iyo xoolo joogto ah oo laga qaado Zako ahaan.
Alshabaab ayaa sheegtay inay dileen 15 qof oo uu ku jiro sarkaal watay maleeshiyo ay ku tilmaantay Murtadiin oo magaciisa lagu sheegay Goobe Gureey.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Xaradheere iyo Shabaab badan oo la laayey

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.