Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha

0
174

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ka dhacay dhismaha wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo ku taala isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.Weerarka ayaa ku bilowday gaari qarax ah oo lala eegtay dhismaha wasaaradda oo ku dhow xarunta taliska ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir, waxaana kadib la maqlay rasaas xoogan oo ka dhacday gudaha wasaaradda.Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ku dhawad afar ruux oo hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha wasaaradda Qaraxa kadib, waxaana ay ka dagaalameen muddo daqiiqado ah, inkastoo wali dowladda aysan ka hadlin weerarka.Inta weerarkaasi uu socday ayaa sidoo kale waxaa la maqlay qarax xoogan oo ka dhacay isgoyska Jubba, kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid goobta lagu diyaariyay.Waxaa la arkay shaqaalo ka tirsan wasaaradda la weeraray oo jaranjaro kaga soo dagaya daaqadaha wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, waxaana jira dhimsho iyo dhaawac ka dhashay weerarkii maanta.Ciidamada amaanka ayaa xiray dhamaan waddooyinka ku hareereysan goobta weerarka uu ka dhacay, waxaana hadda muuqata in xaaladda ay degan tahay, iyadoo ay joogsadeen rasaastii laga maqlayay goobta weerarka uu ka dhacay.Maalmihii ugu dambeyay waxaa jiray hadal heyn la xiriirta weeraro amaan oo ka dhaci kara magaalada Muqdisho. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com 




SOURCE: Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.