Wararkii ugu dambeeyey olalaha doorashada ee K/Galbeed iyo Shariifka oo dareemaya culeeska DF

0
337

Baydhabo (Caasimada Online) – Loolanka Murashaxiinta Madaxtinimada Koonfur-Galbeed ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyey, waxaana dadka reer Baydhabo ay si weyn u hadal hayaan sida xaal noqon karo maalmaha yare e haray.Hadal heynta ugu badan ayaa sidoo kale ah in qaar ka mid ah musharaxiinta, gaar ahaan kuwa taageerada ka haysta dowladda federaalka ay haystaan dhaqaale xooggan oo ay ku qal-qal gelin karaan Shariif Xasan.Inkasta oo weli aysan caddeyn cid badin karta, ayaa haddana olalaha Shariif Xasan, wuxuu dareemayaa culeeska dowladda federaalka iyo dhaqaalaha musharaxiinta ay wadato oo codad badan ka leexin kara.Dhinaca kale, Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed ayaa ka digay faragalin ay sheegeen in dowladda federaalka ah ee soomaaliya ay ku hayso doorashooyinaka lagu wado in bisha dambe ay ka dhacaan Baydabo.Odayaasha oo maanta kulan ku yeesha Baydhabo, ayaa sidoo kale ku baaqay in la sugo aminiga, kana digay banaanbaxyada keeni kara xasilooni darrida.Dadka ka faalooda siyaasadda ayaa sheegaya in xubnihii ka tirsanaa baarlmaanka dowladda federaalka ah ee Muqdisho ku qabtay shirka jaraaid ee ay ku taageerayeen Madaxweyne Shariif Xasan, iyo hadala odayaasha ay tahay mid muujinaysa culeyska isa soo taraya ee uu wajahayo.Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com




SOURCE: Wararkii ugu dambeeyey olalaha doorashada ee K/Galbeed iyo Shariifka oo dareemaya culeeska DF

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.