Wararkii Ugu Dambeeyey Qaraxii Ka Dhacay Degmada Buuhoodle

0
484

Qarax Ismiidaamin ah ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer kaasi oo khasaare kala duwan geystay.
Ruux isku soo xiray walxaha qarxa ayaa beegsaday gaari NOAH oo ay la socdeen siyaasiyiin, waxaana halkaasi ku dhintey Saddex ruux.
Siyaasiyiinta halkaasi ku dhintey ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha maamulka Khaatumo Axmed Maxamuud Doolaal iyo C/fitaax Maxamed Cali oo mar soo noqday la taliyahii Ra’iisul wasaare hore Cumar C/rashiid.
Maamulka Buuhoodle ayaa sheegay in illaa ammar dambe ay kusoo rogeen Bandow magaaladaasi, waxaana dhanka kale socda howlgallo ay wadaan ciidamada ammaanka.
Xalay oo dhan waxaa magaalada Buuhoodle gaaf wareegayey gaadiidka dagaalka oo ay la socdaan ciidamada ammaanka, kuwaasi oo howlgallo gaar ah sameynayey.
Saakay xaaladda guud ee degmada Buuhoodle waa ay deggan tahay, mana jirto faah faahinno kale oo laga bixiyey qaraxii dhacay.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Wararkii Ugu Dambeeyey Qaraxii Ka Dhacay Degmada Buuhoodle

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.