Wararkii ugu dambeeyey weerarka Nairobi & dagaal ka dhex socda Shabaab iyo ciidamada Kenya + Sawirro

0
537

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa gudaha u galay hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ku jiraan dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.Taliyaha ciidamada booliiska Kenya Joseph Boinet ayaa sheegay in dad badan ay kasoo daad gureeyeen dhismaha, hase yeeshee waxa uu qiray inuu jiro khasarae xooggan.Waxa uu intaas ku daray in hadda uu socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada ammaanka iyo kooxda weerarka soo qaaday.Dhinaca kale, afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa yiri “Anaga ayaa ka dambeyna weerarka Nairobi, howl-galkana waa mid socda”Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ugu yaraan afar nin oo hubeysan ay galeen hotelka. Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen in dagaal-yahannada ay xiran yihiin jaakadaha xabadda aysan karin, taasi oo adkeyn doonta in si sahal ah looga adkaado.Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan shan qof, islamarkaana uu jiro dhaawac badan. NAIROBI, KENYA – JANUARY 15: A woman is rescued from the Dusit Hotel on January 15, 2018 in Nairobi, Kenya. A current security operation is underway after terrorists attacked the hotel. Members of security forces are seen at the scene where explosions and gunshots were heard at the Dusit hotel compound, in Nairobi, Kenya January 15, 2019. REUTERS/Thomas Mukoya NAIROBI, KENYA – JANUARY 15: People run for cover after being rescued from the Dusit Hotel on January 15, 2018 in Nairobi, Kenya. A current security operation is underway after terrorists attacked the hotel. (Photo by Andrew Renneisen/Getty Images)Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com   




SOURCE: Wararkii ugu dambeeyey weerarka Nairobi & dagaal ka dhex socda Shabaab iyo ciidamada Kenya + Sawirro

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.