Wararkii ugu dambeeyey weerarka saldhiga ciidanka Mareykanka ee Kenya

0
28

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar saaka aroortii hore dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen xero milatari oo ku taalla gobolka Lamu ee dalka Kenya.
Weerarka oo ku bilowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa xigan dagaal toos ah oo weli dhexmaraya raggii weerarkii qaaday iyo ciidamada Kenya.
Warbaahinta gudaha Kenya ayaa soo bandhigtay sawirro laga soo qaaday gudaha saldhigga, kuwaasoo la arkayey uuro iyo qiic cirka isku shareeray.

Xerada la wareeray oo lagu magacaabo Simba ayaa waxaa sidoo kale ku sugan ciidamo Mareykan ah, kuwaas oo tababar siiya ciidamada difaaca ee dalkaasi Kenya.
Dhinaca kale Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarka ayaa sheegtay inay la wareegtay qeyb ka mid ah saldhigga, welina ay ka dhex dagaalamayaan xoggageeda.
Xaaladda ayaa kascsan, iyadoona weli uu socda howlgalka lagu soo afjarayo weerarka.
Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya.




SOURCE: Wararkii ugu dambeeyey weerarka saldhiga ciidanka Mareykanka ee Kenya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.