Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Isniin Ah

0
104

Saddex maalmood oo kaliya ayaa ka hadhsan waqtiga uu soo xidhmi doono suuqa bisha January waxaana jira ciyaartoy badan oo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda looga hadlayo kuwaas oo ay suurtogal tahay in ay dhamaystiraan ku biirista kooxaha lala xidhiidhinayo.

Kooxaha Yurub ayaa wali haysta fursad ay saxiixyo muhiim ah ku samayn karaan iyada oo si gaar ah isha loogu hayo maalinta ugu danbaysa ee deadline day-ga oo saxiixyada ugu badan la sameeyo.
Chelsea ayaa qorshaynaysa in ay dib ula soo saxiixato difaacii hore ee kooxdeeda ee Nathan Aké oo hadda ka tirsan kooxda Bournemouth, waxayna Blues haysataa qodob ku jiray heshiiskii Ake oo ah 40 milyan gini. (Daily Star)
Agaasimaha kooxda Barcelona ee Guillermo Amor ayaa ku adkaystay in ay wali kooxdiisu u faran tahay in ay saxiixyo kale samayso inkasta oo ay ku guulaysteen Frenkie De Jong wuxuuna Amor yidhi: “Waxaanu u faranahay suuqa , marnaba ma sheegi kartid in uu xidhmay”. Barcelona ayaa dhawr ciyaartoy oo uu Nicols Otamendi ka mid yahay lala xidhiidhinayaa.
Halyaygii hore ee Manchester United ee Roy Keane ayaa saaka soo gaadhay xarunta tababarka kooxda  Nottingham Forest wuxuuna la shaqayn doonaa  Martin O’Neil isaga oo caawiye u noqon doona. (DTguardian)
Liverpool ayaa wada hadalo la furtay  Sandro Tonali oo ka tirsan koxoda Brescia waxayna Reds doonaysaa in ay la soo saxiixato 18 sano jirkan. (La Gazzetta dello Sport)
Inter Milan ayaa sugaysa in ay Arsenal dalabkeeda Ivan Perisic soo gaadhsiiso 40 milyan yuro laakiin Gunners ayaa wali sidoo kale doonaysa in ay Barca ka soo qaadato Malcom (The Sun)
AC Milan ayaa doonaysa in ay la wareegto xidigii hore ee kooxda Barcelona ee  Gerard Deulofeu oo hadda ka tirsan kooxda Premier league ee Watford (Di Marzio)
Olivier Giroud ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in uu dib ugu laabto dalkiisa France si uu uga ciyaaro taas oo muujinaysa in 32 sano jirkani uu ka walwalsan yahay heshiiska uu Gonzalo Higuain ugu soo biiray kooxdiisa Blues. (Goal)
Manchester City ayaa wada hadalo dheeraad ah la yeelatay kooxda Hajduk Split ee Ante Palaversa iyada oo City doonaysa in ay 18 sano jirkan reer Croatia ku soo qaadato 5.5 milyan gini (Dialy Mail)
Daafaca Real Madrid ee Marcelo Vieira oo mudooyinkii ugu dambeeyay hoos uga dhacay xulashada tababare Santiago Solari ayaa kooxdiisa u sheegay inuu doonayo bixitaan isaga oo si gaar ah u raba inuu Juventus dib ugula midoobo Cristiano Ronaldo. (MARCA)
Xidiga Man United ee Antonio Valencia ayaa maalmaha kooban ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka hadhsan ka bixi kara Old Trafford kadib markii uu xiiso ka helay kooxaha Premier league ee Fulham iyo Newcastle United. Heshiiska Valencia ee United ayaa dhacaya afar bilood oo kaliya kadib. (Sun Sport)
Kooxda Paris St-Germain ayaa dalab 21.5 milyan gini ah ka gudbisay xidiga xulka qaranka Senegal iyo kooxda Everton ee Idrissa Gueye kaas oo ay doonayaan in uu u sii buuxiyo booska uu Marcelo Verratti ka dhaawacan yahay. Laakiin Everton ayaa ku doodaysa in 29 sano jirkani aanu iib ahayn (Sky Sports)
The post Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Isniin Ah appeared first on Latest football news.




SOURCE: Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Isniin Ah

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.