WARBIXIN: Kooxda Barcelona Oo Sugi Doonta Ilaa Daqiiqadaha Ugu Dambeeya Ee Suuqa Si Ay Ula Soo Saxiixato Xiddig Khadka Dhexe Ah & 4 Xiddig Oo Ay Doonayaan.

0
73

Xilli xidhitaanka suuqa xagaaga Spain ka dhiman yahay 3 todobaad kooxda Barcelona ayaa suuqa ugu jirta sidii ay ula soo saxiixan lahayd xiddig khadka dhexe ah maalmaha ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga.
Kooxda reer Catalonia ayaan wali ka bixin suuqa kala iibisga inkasta oo ay xiddigo dhawr ah la soo saxiixatay xilli uu tababare Ernesto Valverde dalbanayo in loo keeno xiddig khadka dhexe ah.
Liiska waxa u saaran dhawr magac oo ay wakhti horeba xidhiidhyo la smaeeyeen laakiin shaqada ayaan noqon doonin mid fudud laakiin Barcelona ayaan lafteedu deg-deg ku jirin.
Barcelona ayaa haatanba suuqa ka dhamaystay wixii ay ula baahnaayeen suuqa xagaaga laakiin waxa ay doonayaan in kale taas oo ah mid uu Eric Abidal haatan ka shaqaynayo.
Waxa miiska u saaran 4 xiddig kuwaas oo ay kooxdu doonayso in ay sugto ilaa maalinta ugu dambaysa suuqa si ay ula soo saxiixato.
Waxa ka mid ah Xiddiga kooxda PSG ee Adrien Rabiot kaas oo ay Barcelona xiiso u qabto laakiin kooxda PSG ayaa ku adkaynaysa kooxda Barcelona.
Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda PSG Frenkie De Jong ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha ay doonayso Laakiin Ajaxa ayaa mar walba ku adkaysanayana in uuna iib ahayn xiddigan laakiin waxa laga yaabaa in ay Barcelona hesho saxiixa xiddiga hadii ay Ajax ku fashilanto in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka cusub.
Xiddiga kale ee ay kooxdu isha ku hayso ayaa ah Thiago Alcantara, xiddiga ka soo baxay Akademiyada Barcelona ayaa doonaya in uu ka tago Barcelona laakiin Bayern Munich ayaa doonaysa 70 milyan si ay u fasaxdo xiddiga waxa intaas sii dheer in ay kooxda Real Madrid xiddigan hogaaminayso tartanka loogu jiro adeegiisa.
Dookha 4-aad ayaa ah xiddiga kooxda Juventus ee Miralem Pjanic kaas oo ay kooxda Barcelona si weyn ula dhacsantahay qaab ciyaareedkiisa.




READ MORE FROM THE SOURCE: WARBIXIN: Kooxda Barcelona Oo Sugi Doonta Ilaa Daqiiqadaha Ugu Dambeeya Ee Suuqa Si Ay Ula Soo Saxiixato Xiddig Khadka Dhexe Ah & 4 Xiddig Oo Ay Doonayaan.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.