Warbixin: Tirada militariga AL-SHABAAB, magacyada guutooyinka iyo amiirada iyo sida ay u shaqeeyaaan

0
385

Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka daraasaadka amniga ee Hiraal ayaa soo saaray warbixin xog cusub ka bixisay tirade ciidamada milatariga Al-Shabaab, magacyada guutooyinka, xilalka amiirada iyo sida ay u shaqeeyaan.Garabka Militariga ee Al-Shabaab waxaa loo yaqaan Jabahaat (Furinta ayaa Carabiga lagu dhahaa, marka ay kali tahayna Jabha).Kooxdii ugu horreeysay waxaa la sameeyey 2005, markaas oo koox 15 ragga ah ay weerar ku qaadeen gobolka Soomaalida ee Itoobiya. 2010 oo ay heerkii ugu sarreeyey gaareen, Jabahadda waxa ay kor u dhaaftay 8000 oo nin.Jabhad walba waxa ay leedahay koox ku takhsustay miinooyinka, oo loo yaqaan Jugta Culus, waax caafimaad, warbaahin, diin faafin (Dacwa), diiwaageliyeyaal, gadiid iyo saraakiil warfaafineed.Jabhad walba waxa ay leedahy lix ciidan oo waa weyn iyo laba gaar ah: Kuwa caadiga ah waa Jubbooyinka; Gedo, Baay, Bakool; Shabeelleaha Hoose iyo Banaadir; Shabeellaha dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud; iyo Mudug. Ciidamada gaarka ah waa kuwa Galgala iyo Kenya.Kuwa joogtada ah waxa ay ka kooban yihiin 700-1000, kuwa gaarka ah waxa ay ka badan yihiin 300. Waxaa intaas dheer, waaxda xoojinta waxa ay leedahay 500 oo nin.Tirada guud ee Jabhadaha waxa ay hadda dhan yihiin ugu yaraa 5000 oo nin. Hoos u dhocooda waxa uu tusaale u yahay cadaadiska kooxda fuulay iyo iyaga oo dagaalkii caadiga ah uga guuray mid ku dhufoo ka dhaqaaqa ah tan iyo 2011.Sida ay u kala sarreeyaan Jabhaduhu waa sida; Amiir Majmuuca: Waxa uu u taliyaa 10 nin. Amiir Fasila waxa uu u taliyaa 32 nin; Amiir siriya: Waxa uu u taliyaa 99 ilaa iyo 120 nin; Amiir Katiba waxa uu u taliyaa 300 oo nin; Amiir Jaysh – waxa uu u taliyaa ciidan gobol oo gaaraya 700-1000 nin.Naga filo warbixino faah-faahsan oo ku saabsan sida ay guuto walba u shaqeyso, Insha allah.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: Warbixin: Tirada militariga AL-SHABAAB, magacyada guutooyinka iyo amiirada iyo sida ay u shaqeeyaaan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.