WARBIXIN:Neymar,Kylian Mbappé,De Gea,Paul Pogba & 6 Xiddig Oo Uu Madaxweynaha Real Madrid Ee Florentino Pérez Ku Fashilmay In Uu Keeno Real.

0
246

Waxa ay u muuqataa in madaxweynaha Real Madrid Florentino Pérez in uu sanadihii ugu dambeeyay ka caajisay in uu kooxdiisa keeno xiddigaha ugu fiican adduunk sidii uu sanadihii la soo dhafay samayn jiray.
Florentino Pérez ayaa ku fashilmay in uu Real Madrid keeno xiddigo waaweyn sanadihii ugu dambeeyay inkasta oo uu isku dayay laakiin isku daygiisii ayaa ku dambeeyy fashil weyn.
Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 6-dii saxiix ee ugu waaweynaa ee uu Florentino Pérer ku fashilmay in uu kooxdiisa keeno.
 
Neymar: Xiddigan ayaa ka mid ah xiddigaha sida weyn loola xiriirinayo Real Madrid isaga oo xitaa ku dhawaaday in uu ku biiro Los Blancos ka hor intii uuna ku biirin Barcelona sanadkii 2013, Xiddigan ayaa wali ah xiddig uu Florentino Pérez Si weyn u doonayo in uu kooxdiisa ku sood daro laakiin uu ilaa haatan awoodi laayahay.

Kylian Mbappé: Florentino Pérer ayaa kooxda Monaco kala heshiiyay in uu 180 Milyan kula wareego xiddigan da,yarka ah xagaagii hore laakiin xiddiga ayaa ka doortay in uu ku biiro kooxda PSG iyada oo ay sabab u tahay joogistii uu kooxd a Joogay Ronaldo.
 
Paul Pogba: Xiddigan reer France ayaa qirtay in ay kooxda Real Madrid isku dayday in ay adeegiis hesho sanadkii 2016 laakiin xiddigan ayaa si weyn u doonayay in uu ku laabto kooxda Man United iyo sidoo kale in uun Madaxweyanah Florentino Pérer diyaar u ahayn in uu 105 milya ka bixiyo xiddiga.
 
David De Gea: Xiddigan reer Spain ayaa ah xiddiga uu Florentino Pérer ku raad joogay muddo dheer isaga oo ah xiddiga uu ugu raadinta badantahay iyaga oo adeegiisa raadinaya 3-dii sano ee ugu dambysay laakiin ku fashilantay in ay hesho adeegiisa.
 
Robert Lewandowski: Sida David De Gea ya sanad kasta lala xiriiriya kooxda Real Madrid iyaga oo uu Madaxweyne Peres sanad walba isku dayo in uu la soo saxiixdo tan ilaa xagaagii 2013.
 
Sergio Agüero: Xiddigan reer Argentine ayaa sanadkii 2011 qirtay in doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid laakiin labada kooxood oo ka heshiin kari waayay qiimaha xiddiga ayaa keenay in uu bur-buro heshiisku.
 
Franck Ribéry: Xiddigan ayaa sanadkii 2010 ku dhawaaday in uu ku biiro Real Madird kadib markii xiddigan reer Frane uu khilaaf weyn kala dhex galay tababaraha reer Holland ee Van Gaal oo markaaas hogaaminayay kooxda Bayern Munich, waxana ay uu Franck Ribéry Heshiis la gaaray Madaxweynaha Real laakiin heshiiska ayaa ugu dambayn bur-buray isaga oo sii watay xifadiisa ciyaareed ee Bayern munich.
 




READ MORE FROM THE SOURCE: WARBIXIN:Neymar,Kylian Mbappé,De Gea,Paul Pogba & 6 Xiddig Oo Uu Madaxweynaha Real Madrid Ee Florentino Pérez Ku Fashilmay In Uu Keeno Real.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.