WARBIXIN+SAWIRO ANDRES INIESTA OO SI CAJIIB AH LOOGU SOO DHAWEEYAY KOOXDA VISSEL KOBE.

0
170

Andres Iniesta ayaa lagu soo waramayaa in uu si rasmi ah uga mid noqday ciyaaryahanada kooxda Vissel Kobe kadib markii dhawaanahaan si wayn loola xiriirinayay.

Kooxdan oo ka dhisan dalka jaban ayaa waxaa ay soo bandhigtay in Iniesta uu lagalay  Heshiis ayna soo gaba gabayeen Wada hadalo in mudo ah socday.

Andres Iniesta oo ah Halyeey Waqti badan kusoo qaatay kooxda Barcelona ayaa dhawaan waxaa uu shaaciyay in uu doonayo in uu u shaqo tago meel ka baxsan horyaalada Qaarada Yurup waana Talaabada uu ku guulaystay.

Gudoomiyaha Kooxda Vissel Kobe ayaa waxaa uu la hadlay Warbaahinta isagoona hoosta ka xariiqay in ay heleen Halyeey waayo wanaagsan kusoo qaatay Barcelona.

“Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Andres Iniesta uu u saxiixi doono Vissel Kobe heshiis kadib waayo Taariikhi ah oo uu ku soo qaatay Barcelona.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray”Iniesta waa Ciyaaryahan wayn oo caalami ah in badan oo inaga mid ah ayaa dib u xusuusata Goolkii Cajiibka ahaa ee Xidigan uu ka dhaliyay Ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Aduunka sanadkii 2010-kii lagu qabtay dalka Koonfur Afrika waxaana uu ka caawiyay xulkiisa Qaranka Spian Hanashada koobkaasi.

Kabtankii hore ee kooxda Barcelona ayaa waxaa si wayn u soo dhaweeyay Taageereyaasha Kooxda Vissel Kobe waxaana uu halkaasi kasii wadan doonaa Bandhig yadiisa Cajiibka ah.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.