WARBIXIN+SAWIRO SHARAF DHICII MILAN IYO HANADASHADII JUVENTUS COPA ITALIA.

0
96

Finalka Copa Italia waxaa isku wajahay kooxaha kubada cagta Juventus iyo AC Milan ciyaartaas oo si wayn sharaftii looga qaaday kooxda Milan.

Juventus ayaa xaqiijisay  markii 4aad oo xiriir ah hanashada Copa Italia iyadoona ciyaartaan ay ahayd mid dunida si wayn looga daawanayay islamrkaana si wayn loogu xasuuqay AC Milan.

Natiijada ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 4 iyo 0  taas oo ka dhigan in awood ahaan si wayn looga adkaaday AC Milan.

Waxay sameeyeen Dabaal dag aad u xoogan waxaana muuqatay in Taageereyaasha ay si wayn u xamaasadaysnaayeen balse dhanka kale kooxdan ayaa diyaar garoowgii ugu dambeeyay ugu jirta in ay sidoo kale u dabaal dagto Hanashada koobka Quruxda Badan ee Seri A-da wadankaasi Talyaaniga.

Tababaraha kooxda Milan ayaa u muuqday mid ay xaalad si wayn ugu adkayd isagoona ku guul daraystay in koobkii ugu horeeyay uu la qaado AC Milan.

Xidiga Medhi Benata ayaa kalankaan ka saxiixay ilaa laba gool Diego Costa ayaa isna taabtay shabaqa Milan ciyaartii ka dhacday stadio Olimpico kadib qalad cad oo uu sameeyay gool hayaha Milan.

Juventus waxay xalay u qalantay guusha ay gaartay iyadoona macalinkooda uu adeegsaday khibrad cajiiba ah.

Sawiro.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.