Warbixinta QM oo shaaca ka qaaday horumar yaab leh oo kooxda Al-Shabaab ay ka gaareen qaraxayda

0
185

New York (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa u gudubtay heer qaraxyada ku sameystaan gacmahooda, sida ay shaaca ka qaaday warbixin ay diyaariyeen guddi khuburo ah oo ka tirsan QM.“Markii ugu horreysay taariikhda, taxliil lagu sameeyey sheybaar ayaa tilmaamaysa in is-beddel weyn uu ku yimid habkii ay Shabaab u sameyn jireen bambooyinka, waxay ka gudbeen inay isku haleeyaan miinooyinka militariga una wareegaan kuwa lagu sameeyo guryaha” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga khuburada QM.“Akhbaaraadka aan helnay ayaa soo jeedinaya xiriir weyn oo ka dhaxeeya horumarka ay Al-Shabaab ka gaareen in qaraxyada ku sameystaan gacmahooda iyo sare u kaca dhowaan ku yimid qaraxyada waa weyn ee Muqdisho” ayay tiri warbixinta.Daraasadda ay sameeyeen guddiga QM ayaa waxaa saldhig u ahaa 20 qarax oo waa weyn oo Muqdisho ka dhacay tan iyo bishii July ee 2018.Lama shaacin cidda taxliisha sameysay, hase yeeshee document-ga guddiga ayaa waxaa ka muuqda oo lagu xusay hay’adda minooyinka ee QM ee U.N. Mine Action Service, hay’adda FBI-da Mareykanka iyo hay’ado kale.Al-Shabaab ayaa markii hore isku haleyn jirtay miinooyinka milatari oo ay dib uga farsameeyaan miinooyinka iyo hoobiyayaasha ay ka qabsdaaan ciidamada dowladda iyo Amisom, balse waxay hadda gaareen heer ay si buuxda ayaga u sameeyaan qaraxyada.Tani waxay u sahashay inay sare u qaadaan weerarada Muqdisho, oo uu ka mid yahay weerarkii dhimashada badnaa ee October 2017 ee Zoobe.Khubrada ayaa muddo rumeysnaa in laga yaabo in Al-Shabaab ay mararka qaar adeegsdaana miinooyin ay ayaga sameeyaan, balse wax caddeyn ah looma hayn ka hor taxliishan.Warbixinta ayaa sheegtay in waxaayabaha Al-Shabaab ay isku daraan ee ay ka sameeyaan bambooyinka ay ka mid yihiin kiimikooyinka nitroglycerine oo lagu qasay ammonium nitrate ama potassium nitrate iyo dhuxul.Farsamadan cusub ee Al-Shabaab ay billowday ayaa adkeyn doonto in qaraxyadooda laga hortago ama la xakameeyo, sida ay warbixinta sheegtay.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: Warbixinta QM oo shaaca ka qaaday horumar yaab leh oo kooxda Al-Shabaab ay ka gaareen qaraxayda

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.