Wareysigii yaabka lahaa ee laga qaaday Ducaale iyo macnaha inooga baxay

0
165

Nin reer guuraa ah ayaa awrtii xoogga lahayd ee gaadiidka u ahayd reerku mar qura gacantiisa kawada baxday, wax duqoobay, kuwo geeriyooday, kuwo bahal cunay iyo kuwo jiilaalkii looga soo baxay ayay noqdeen, subixii dambe  oo aan Rati weyn oo lagu guuraa jirin ayuu Qurbac yar oo aan weli rarka baran soo qabsaday, kaddibna waxa uu ku billaabay rar iyo hees howleed, Awrta waaweyn ee waaya-aragnimada leh hayinkana ah  markaas oo kale waa ay raamsadaan inta rarku ku socdo, marka wixii la saari lahaa lagu rarana waa loo suuldhabaaleeya ama waa loo farjaawiyaa, inta fahmaan ayay si xarago iyo xoog leh u qaadaan rarka saaran, balse Qurbicii uu subaxaas raray cabaad iyo cargaagtan ayuu kuu billaabay kuna dhammeeyey rarkii.
Ninkii waa gartay sababta, waxa uu ka tegey maahmaah illaa maanta la adeegsado oo ah: Waa gartaa cabaadku oo geelii ayaa kaa tegey, anigana waa gartey oo gaadiid ayaan ku biday!
Markii aan arkay wareysi uu dhawaan wasiirka Ammaanka qaranka  Xilhibaan Maxamed Abuukar Islow; siiyey Telefeshinka RTN oo fadhigiisu yahay Nayroobi, ayaan xusuustay sheekada qaalinka yare ee la saaray wax uusan waaya-aragnimo iyo adkeysi u lahayn.
Wareysigaasi waxa uu  ku saabsanaa safar ay wasiirka iyo madax katirsan hay’adda socdaalka Soomaaliya ay ku tageen waddamo kala duwan, waxa kale  oo ku jiray wareysigaas nabadgelyada  Muqdisho iyo weerarada ka dhaca.

Sawirka 1-aad wasiirka Ammaanka qaranka Xilhibaan Maxamed Abuukar Islow;
Waxa uu wasiirku yiri isaga oo ka jawaabaya su’aal ku saabsanayd Ammaanka caasimadda:-
“Waxa aad ugsoontihiin in markii jidadka la xiray in nimanka nabad-diidka ay soo dhexgelayaan Shicbiga oo dadweynaha ay ka hadashiinayaan- indirect, Nimanka Shabaabka ah waa dad Soomaaliyeed, waa dad midabkeena oo kale leh, waa dad Muslim ah, waa dad annaga oo kale ah, annaga ayay nagu dhexjiraan, waxa meelaha ka hadlaya waxa aan aaminsahay ayaga in ay yihiin jidadka la xiraayo, markii jidadka la dabciyana arrintaana dhacday Sabtigii”
Hadalkaasi waxa suuragal ah in uu ka turjumayo niyadsamida Maxamed Abuukar Islow, wasiirka ammaanka qaranka ee xukuumadda Soomaaliyeed, balse ma aha ereyadii uu dhihi lahaa wasiirka wasaarad ay shaqadeedu tahay  illaalinta dhammaan muwaadiniita iyo hantidooda.
Inta aan ka arkay Wasiir Maxamed Abukar Islow Ducaale; waa nin niyadsan, deggan, dabeecad ahaanna wanaagsan, balse waxa sababaya in uu sidaas u hadlo iyada oo ay dhaceen musiibooyin waaweyn intii uu xilkan hayey waa in aan la dhigin ama aan loo dhiibin meeshii uu ku habboona iyo xilkii uu mudnaa kana keeni lahaa guul, intaas waxaa u dheer in dhammaan indhuhu u jeesanayaan dhinaciisa marka ay timaaddo arrin nabadgelyo.
Maxaan sidaas u leeyahay?
Nabadgelyadu waa baadi dhammaan ummadda Soomaaliyeed ka maqan, muwaadin walba oo Soomaali ah waxa uu raadinayaa nabadgelyo iyo meel uu ku noolaado isaga oo aan ka cabsanayn muwaadin kale, marka Muqdisho la joogana waaba sababta ay u joogaan ciidamo shisheeye oo leh magaca nabad illaalinta Soomaaliya.
Si nabaddaas loo helo waxa ay u baahan tahay aragti ka weyn kana ballaaran midda aan maanta adeegsano oo ku kooban in laga fakaro nabadgelyada gaarka ah ee xarumaha iyo madaxa dowladda , suurtagelinta aragtidaasi uma baahna raadinta wax aan lahayn, oo keli ah waxa ay u baahan tahay in si fiican ay howlwadeenku u agaasimaan una aqoolidda waxa la hayo.
Sun Tzu oo ahaa qoraa qorshaha dagaalka iyo waaya-araga dhinaca ciidanka ah una dhashay Shiinaha ayaa buugiisa cilmiga dagaalka (The Art of War) waxa uu ku qoray:
“Cilmiga dagaalku waxa uu muhiim iyo hal-bowle u yahay Dowladda, waa howl iyo shaqo ku saabsan nolol iyo geeri, waa jidka loo marayo dhul nabadgelyo ah ama burbur  iyo baaba’a nolosha, sidaas awgeed waa arrin mudan in la derso, si fiicanna loogu kuurgalo, marna suuragal ma aha in la iska indho-tiro”.
Cilmiga dagaalka waxaa jaangooya oo asaas u ah  5; qodob, kuwaas oo ay waajib ku tahay qof  walba oo dagaal u qalab qaadanaya ama tegaya goob dagaal in uu maanka iyo maskaxda ku sii hayo, waxa ay kala yihiin:
1-Qaanuunka hab-dhaqanka (The Moral Law)
2-Cimilada, Cirka ama Jawiga (Heaven)
3-Dhulka (Earth)
4-Hoggaamiyaha (The commander)
5-Qaanuunka guud iyo Anshaxa
6-Qaanuunka hab-dhaqanka (The Moral Law)
Waxa loola jeedaa habka ay isula falgeliyaan  madaxda iyo dadka ay xukumayaan, kaas oo ku qasbaya Askarta in ay qaataan amarka taliyaha guud si aan labac-labac iyo ka cabsi ciqaab  lahayn, taasna waxa horseeda tababarka iyo horumarinta joogtada ah oo kadhiga saraakiisha iyo askartaba kuwo diyaar u ah dagaal aan laalaab iyo welwel lahayn, sidaas oo kalana hoggaamiyaha qudhiisa ayaa isna diyaar u noqonaya dagaalkaas.
(1)-Cimilada, Cirka ama Jawiga (Heaven)
Cirka, cimilada ama jawiga waxaa loola jeedaa Habeenka, Maalinka, Qabowga, Kuleylka, Waqtiyada, Afarta xilli, dabaylaha iyo daruuraha
Dhulka (Earth)
Waxa loola jeeda falanqeynta masaafada fog iyo midda dhow, halista iyo illaa heerka la heli karo Ammaan, Dhulka furan iyo marinada ciriiriga ah, suurtagalnimada illaa heerka la badbaadi karo lana dhiman karo
Hoggaamiyaha (The commander)
Waxaa loola jeeda muujinta fiinta sare ee garashada iyo daacadnimada, dabci-wanaagga, geesinimada, go’aan qaadashada, tala-wadaagga xiran iyo ku adkeysiga gaaridda hadafka.
Qaanuunka guud iyo Anshaxa
Waxa loola jeeda habka loo nidaaminaya ciidanka, iyo qaabka si sax ah loogu kala qaybinayo cutubyo, habka loo siinayo darajada ciidan loogu qaybinayo saraakiisha, habka loo illaalinayo jidadka ay sahaydu u soo marto ciidanka iyo sida loo dhigayo hal-beegga maalgelinta ciidanka.
Haddaba isweydii xukuumaddu ma ku jirtaa dagaal? illaa heer intee la eg ayay kala taqaan shacabka iyo cidda ay la dirireyso?, haddii ay suuragal tahay in su’aalahaas looga jawaabo in aan la kala garan Karin cidda ay xukuumaddu kula jirto dagaalka iyo Shacabka sida uu wasiirku sheegay waxa aan meel uga dhaceynaa mabda’a qaadashada magaca dowlo iyo bixinta adeegga ay muwaadiniintu u baahan yihiin.
Waxa suuragal ah in ay ku jiraan xukuumadda waaya-arag ku filan fahamka iyo dersidda dhammaan wixii la xiriira jaangoynta dagaalka, balse aysan helin fursad iyo madal ay ku muujiyaan, sababtuna waxa ay noqon kartaa in safka hore ee ay qabtaan indhaha madaxdu ay ku jiraan bilaash-xeytayaal xiran derajo ciidan, basle aanay wax kale u wehlin,  haddii ay sidaas tahay madaxweyne Farmaajo waxa la gudboon in uu dib u xusuusto in qeexitaanka xukuumaddii uu sheegay in uu dhisayo iyo dhab ahaantii midda dhisan ay kala duwan yihiin, waxa uu qeexitaankaasi ahaa sidan:

Dowlad u adeegta ummadda ee aan ka adeegan.
Dowlad u turta oo aan ku tuman.
Dowlad u shaqeysa oo aan ka shaqeysan.
Dowlad u roon oo aan raran”
Adeegsiga falcelinta dadweynaha (Backlash)

Marka ay xukuumaddu qaaddo tallaabo ama ay soosaarto go’aan ay tahay in uu dhaqangalo waxa caadiga ah waa in dadweynaha ku nool meesha uu go’aankaasi ka dhaqangelayo ay ka hadlaan si taban iyo si toganba go’aankaas iyo sida uu noloshooda u saameynayo, markaas oo kale howlwadeenka xukuumadda loogama fadhiyo in ay eedeeyaan ama murug geliyaan muwaadiniinta uu dhaqangalka go’aankaasi saameynayo si fiican iyo si xunba, waxa looga baahan yahay howlwadeenka waa laba arrimood.
Isku howlidda yareynta saameynta xun ee dhaqangelidda go’aanku leedahay, tusaale haddii ay jiraan shaqaale dowladeed oo dano gaar ah ka sameynaya dhaqangelidda go’aanka.
In howlwadeenka xukuumaddu ay insi fiican ay ugu kuurgalaan Falcelinta dadweynaha ee dhaqangelidda go’aanka, wixii aan dhaqangelidda go’aanka xiriir lalahayn ama suurad-xumeynayana ay si toos ah u wajahaan ugana saaraan meesha, haddii go’aanku laalo ama baabi’iyo waxtar ama dan dadweyne waa in beddelkooda ay xukuumaddu sheegto.
Midda hore waxa tusaale faahfaahsan u ah xukuumaddu waxa ay xirtay waddooyin waaweyn, kuwaas oo ay xiristoodu saameyneyso nolosha, dadweynaha oo ay saameyntaasi taabaneyso haddii ay qayliyaan waa in xukuumaddu dhego lab u duleela ku maqasho qayladaas, kaddibna qaadato tallaabo lagu yareynayo xannuunka saameynta, jidadka waxa jooga ciidan, ficil walba oo wanaagsan ama xun oo ay ciidankaasi qaadaan waxa uu toos ugu xirmayaa xukuumadda, sidaas awgeed waa in xukuumaddu indho fiiqan ku fiiriso habka ay ciidanku ula dhaqmayaan dadweynaha.
Tan labaad falcelintu dadweynuhu waa halbeegga ugu fiican ee xukuumaduhu adeegsadaan, haddii aanay ka faa’iideysan howlwadeena xukuumaddu ama ay u arkaan in muwaadiniintu ciyaarayaan waxa dhici karta in kalsoonidu lunto, sidaas awgeed haddii go’aanka xukuumaddu baabi’iyo dan dadweyne, tusaale waddo la xiro ama dhaqan la mamnuco, waa in ay beddelka dantaas xukuumaddu sheegto meesha laga helayo.
Weerarada dhacay intii Wasiir Islow xilka hayey!
Intii uu xilka ammaanka qaranka hayey xildhibaan Maxamed Abuukar Islow, waxa dhacay musiibo weyn oo ay suuragal tahay in uusan si gooni ah ugu eedeysnayn balse ay xukuumadda oo dhammi la wadaagto, waxa dhibaatadas ku dhintay muwaadiniin badan, waxaana ku burburay hanta dadweyne, waxa kamid ahaa 7; weerar oo halkan ku xusan

TT
Taariikhda
Weerarka
Dhimasho
Dhaawac

1.
14-june-2017
Pizza House
22
M/H

2.
20-june-2017
Degmada Wadajir
11
22

3.
22-june-2017
Saldhigga waabari
5
M/H

4.
14-Oct -2017
Isgoyska Zope
656
200+

5.
29-Oct-2017
Naasahablood 2
29
M/H

6.
7-july-2018
Otto otto
15
21

7.
14-july-2018
SYL
6
M/H

8.

Isugeyn:
744
243; inta aan helay

 
W/Q:- Axmed C. Guutaale
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid




READ MORE FROM THE SOURCE: Wareysigii yaabka lahaa ee laga qaaday Ducaale iyo macnaha inooga baxay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.