Wargaysyada Caalamka oo si isku mid ah uga faalooday ka haritaankii Germany ee Koobka Aduunka.

0
112

 
Haatan masiibadaas ayaa ku habsatay xulkii difaacanayay koobka adduunka iyaga oo wareega Group-yada kaga haray koobka adduunka 2018.
Rikoorkii xulka Die Mannschaft ee cajiibka ahaa ee Wareega Group-yada koobka adduunka ayaa soo dhamaaday kadib markii ay guuldaro kala kulmeen xulka South Korea sidaasna kaga hareen koobka adduunka.
Kadib markii ay guuldaro kala kulmeen Mexico kulankoodii ugu horeeyay ee koobka adduunka,Germany ayaa u muuqatay mid ku soo noqotay wadada saxda ah kadib markii ay wakhti dambe ka badisay Sweden.
Laakiin Qaab ciyaareed kale oo liita ayay soo bandhigeen kulankii ugu dambeeyay Group-yada kadib markii xulka South Korea ka reebay koobka aduunka.
Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa qaabkii ay wargaysyada adduunku uga fal celiyeen bixitaanka xulka difaacanaya koobka adduunka.
Bild
 
 
 
Boga Hore ee Bild oo ah wargayska ugu caansan Germany ayaa soo qaatay sawrkii markii ay Germany 7/1 ku xasuuqday semi-finalkii Brazil sanadkii 2014.
Waxa ay ku soo qoreen “Ohne Worte!” oo la macneeyay “Kalmad La,aan” ama “Hadal la,aan”.
Die Welt
 
Kroos ayaa shaki la,aan in uu yahay xiddiga kaliya ee sharafta kaga tagay koobka adduunka xilli isla wargayska Die Welt uu soo qaatay sawirka Toni Kroos iyaga oo cawiin ka dhigtay “Way Dhamaatay wayna bexeen”.
Kroos oo 3 champions League oo xiriir ah kula guulaystay Real Madrid ayaa ahaa xiddigii kaliya ahaa ee soo bandhigay qaab ciyaareed fiican.
Rheinische Post:

 
Wargayskan oo ka soo baxa Dusseldorf ayaa isagu soo gaabiyay ciwaankiisa isaga oo soo qaatay sawirka xiddigaha Germany oo madaxa haysta kadib dhamaadkii ciyaarta isaga oo ciwaan ka dhigtay “Way bexeen”.
Der Taggesspiegel
 
Wargayska Ka soo baxa Berlin ayaa isaga laftiisu soo gabsaday ciwaanka isaga oo soo qaatay sawirka tababarka Loew ciwaana ka dhigtay “Way Bexeen”.
Xilli wargaysyada Germany si weyn uga hadal hayeen jawaabta waxa khaldamaya- wargayska Suddeutsche Zeitung ayaa canaantay “Kubada hoose ee ay ciyaareen” halka Spox ugu yeertay “Masiibo taariikhi ah”.
 
Wargayska France ee L’Equipe ayaa isagu masiibadii ku tilmaamay Dhirbaaxo Danab” oo xulka Difaacanaya koobka adduunka ka tuurtay daaqada.
 
Italy oo ay ku dhacday dhirbaaxo midaas oo kale ah markii si lama filaan ah looga reebay koobka adduunka sanadkii 2010 ayuu wargayska Gazzetta dello Sport bogiisa hore ciwaan uga dhigay “Nacdasha Adduunka ee ay South Korea dusha ka saartay Germany”.
 
Holland oo uu xafiiltan adag ka dhexeeyo xulka Germany ayuu Wargayska ka soo baxa ee De Telegraaf Ciwaan ka dhigtay “Nasiib Xumo Germany, wax walba ay dhamaadeen” halka wargayska De Volkskrant yidhi” Xulka difaacanaya koobka waxa ay ceebeeyeen koobka addunka”.
 
Brazil oo guuldaro ceeb ah oo 7/1 ah ka soo gaartay Germany 2014 ayaa dhankooda ku qoslay iyaga oo wargayska ku soo baxay ee Fox Sports Brasil waydiiyay “Maxad ku tidhaahdaan Macasalaama luuqada Germany”.




READ MORE FROM THE SOURCE: Wargaysyada Caalamka oo si isku mid ah uga faalooday ka haritaankii Germany ee Koobka Aduunka.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.