Wargeys shaaciyey dhaqaaq diblomaasiyadeed oo ay si hoose u wado Somaliland

0
212

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wargeyska KCW Today, oo ka soo baxa dalka UK gaar ahaan magaalada London, ayaa warbixin ka qoray dedaalada Somaliland ugu jirto inay aqoonsi caalamiya hesho, isagoona isbarbar dhig ku sameeyay Xukuumada Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi.Wargeyska ayaa xusay in saameyn weyn yeeshen dhaq-dhaqaaqyada diblomaasiyadeeda ee Somaliland ka sameysay dedaalada ay ugu jirto aqoonsiga ay ka rabto beesha caalamka.KCW-Today ayaa soo qaatay qoraal lagu daabacay bishii hore barta Twitterka ay ku leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, kaasi oo Somaliland loo adeegsaday ereyga ‘Dal’, midaasi oo Wargeysku ku micneeyay inay tahay markii u horeysay ee wadan kamid ah caalamku uu Somaliland u qiro dal-madax banaan.Wargeyska KCW-Today wuxuu sheegay in ururkii dhaq-dhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM uu Bishii May ee sannadkii 1991-kii iskugu yeedheen waxgaradka beelaha, kuwaasi oo ku dhawaaqay Somaliland oo mar uu xukumi jiray Ingiriisku.Sidoo kale waxa uu Wargeysku isbarbar dhig ku sameeyey dowladnimada iyo ammaanka ka hirgalay Somaliland iyo nabadgelyo darrada iyo burburka ku habsaday Somaliya, isagoona ka markhaati kacay Wargeysku in Somaliland gabi ahaanba ka duwan tahay kana bad-baaday mashaqada ka jirta Somaliya.KCW-Today wuxuu intaas ku daray in Somaliland uu madaxweyne ka yahay Muuse Biixi Cabdi, oo hore u ahaan jiray duuliye ka tirsanaa ciidammada cirka, waxa kaloo uu wargeysku xusay in Somaliland ay leedahay ciidammadeeda Booliska iyo lacag u gaar ah.Wuxuuna xusey Wargeysku inay Somaliland qaaday talaabooyin diblomaasiyadeed oo ay wada-hadalo kula yeelato Qarammada Midoobay, Midowga Africa (AU) iyo dalal ay ka mid yihiin UK iyo Mareykanka.Wargeyska KCW-Today ayaa ugu dambeyntiina wuxuu warbixintiisa ku sheegay haddii Kenya ay hormuud ka noqoto aqoonsiga Somaliland inay talaabadaasi noqon doonto mid xiiso leh oo lagu soo qaadi doono shir madaxeedka Midowga Afrika ee lagu wado inuu qabsoomo horaanta sannadka 2020-ka.Halkaan ka daawo ismiidaamiyihii Kismaayo oo beel lama filaan kasoo jeedoCaasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com




SOURCE: Wargeys shaaciyey dhaqaaq diblomaasiyadeed oo ay si hoose u wado Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.