Wariyihii Maxkamadda ciidan ay xukuntay oo xoriyaddiisa dib u helay

0
514

Waxaa xalay la sii daayay Wariye Maxamed C/weli Tooxow oo shalay Maxkamad ciidan ay ku xukuntay lix bilood oo xabsi ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu baahiyay warar ka dhan ah Maamulka Galmudug.
Maxamed C/weli ayaa u shaqeynayay Idaacada Kulmiye ee fadhigeeda yahay Muqdisho, waxaa muddo todobaad uu ku xirnaa saldhigga magaalada Dhuusamareeb, isagoo loo heystay eedeymo ah in warar qalqal gelinaya amniga uu baahiyay.
Ururada Saxaafada ayaa cambaareeyay xukunka lagu riday Wariyaha oo ahaa kii u horeeyay noociisa oo Wariye lagu soo taago Maxkamad ciidan.
Dadaalo ay sameeyeen Ururada Suxufiyiinta, sida Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa lagu guuleystay in Wariyaha dib u helo xoriyadiisa, kaddib wada hadalo ay la galeen maamulka Ahlusuna.
Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa waxay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan, sida xarig iyo dilal, iyadoo 10-kii sano ee u dambeeyay lagu dilay Soomaaliya in ka badan 10 Wariye.
The post Wariyihii Maxkamadda ciidan ay xukuntay oo xoriyaddiisa dib u helay appeared first on Jowhar Somali News Leader.




SOURCE: Wariyihii Maxkamadda ciidan ay xukuntay oo xoriyaddiisa dib u helay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.