WARSAABEoo sheegay hal sabab oo SOMALIA aysan ula heshiin karin Ethiopia

0
268

Muqdisho (Caasimada Online) – Eng Faysal Cali Waraabe oo si weyn kaga hadla arimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa ka hadlay xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia iyo heshiisyada ay labada dowladood wada saxiixdeen.Isaga oo la hadlayay dhalinyaro badan ayuu sheegay in Somalia hadda aysan awood buuxda u laheyn inay wax ku darsato dalka Ethiopia oo dowlad adag leh, islamarkaana shacabkiisu badan yahay.Arinta ugu adag ee aan suurogal ka dhigeyn in Somalia ay Ethiopia wax ku darsato ayuu ku sheegay inay tahay in hadda Soomaalida kala daadsan yihiin oo awood buuxda aysan laheyn, sida uu hadalka u dhigay.“Waa isaga leh Soomaaliya ayaan ku darayaa Ethiopia, ma maanta Soomaali meeleey wadan wax kula darsato miyay jirtaaba, Markaad awood leedahay ee aad dhisan tahay ayaa wadahadal la galaa, oo dal wax lagu darsadaa”.“Markaad kala daadsan tahay oo aad afar madaxweyne iyo ka badan leedahay, dal waxba laguma darsado, waxaa waxa u geynayaa waxa weeye Somaliland aan soo aaso”ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.Wuxuu sheegay in arintaasi ay dhibaato ku tahay Soomaaliya, islamarkaana Somaliland aysan cidna aasi karin sida uu hadalka u dhigay.Dad badan oo siyaasiyiin ah iyo dadka falanqeeya arrimaha geeska Africa ayaa siyaabooyin kala duwan u dhaliilay xiriirka u dhaxeeya madaxda Ethiopia iyo Somalia iyo heshiisyada qaar oo labada dhinac ay kala saxiixanayaan.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: WARSAABEoo sheegay hal sabab oo SOMALIA aysan ula heshiin karin Ethiopia

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.