Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Culumada Soomaaliyeed

0
296

Shir wadatashi ah oo ku saabsan aragtida iyo talada culumada ee ku aadan dib-u-eegista dastuurka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa magaalada Muqdisho lagu qabtay.
Shirka oo ay kasoo qaybgaleen qaar kamid ah culumada ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh Bashiir Axmed Salaad iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Diinta Sh Cali Wajiis oo kulanka khudbado ka jeediyeen ayaa waxay bogaadiyeen waxqabadka Wasaaradda sidoo kalena waxay Wasaaradda ku amaaneen sida ay marwalba u tixgeliso aragtida Culimada Soomaaliyeed.
Dhanka Kale, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda ay garowsantahay muhiimadda culimad sidoo kalena la joogteyn doono kulamada wadatashiga ee u dhaxeeya Wasaaradda iyo culimada.
Wasiirka Arrimaha Dstuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo furay shirka ayaa yiri “Culimada sida ay ogatahayba waxaa dalka ka socda dib-u-soo-kabasho oo ay ugu horeeyso in la dhameeystiro dastuurka; waxaan dooneynaa culimada inay aragtiyadooda ku kordhiyaan dhamaan qodabada xasaasiga ah iyo kuwa masiiriga ah ee ku jira dastuurka waxayna taa cadeyneysaa in doorka culimada ee dhameeystirka dastuurka uu yahay mid lagama maarmaan ah”.
Ugu dmabayn, shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay halka uu marayo geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo qodobada dib loo eegay waxayna culimada ka dhiibteen aragtiyadooda.

The post Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Culumada Soomaaliyeed appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Culumada Soomaaliyeed

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.