Wasaaradda Cadaaladda Oo Ugu Baaqday Xarunta CID-da In Si Sinaan Ah Ay U fiiriso Dacwadaha Shacabka

0
289

Wasiirka Wasaaradda  Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in xilligaan uu jiro isbedel iyo horumarin lagu sameeynayo Cadaaladda iyo garsoorka dalka, taasi oo ah in qof walba uu helo cadaalad.
Xasan Xuseen Xaaji ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay hubinta kiisaska shacabka ee ka soo bilaabanaya xarunta Dambi Baarista ee CID-da
Waxa uu intaas ku sii daray Wasiir Xaaji in ay tahay in ahmiyad la siiyo cadaalad u sameynta  shacabka isaga oo carabka ku dhuftay marka galka dacwadda loo gudbiyo xeer ilaalinta ay u eegaan dhankooda in dacwada tahay mid sharci ah.
“Meesha uu kiiska ka soo bilaabanayo oo ah CID-da waxaa looga baahanyahay kiisaska in si sax ah ay u fiiriyaan Shacabkana ay u garsooraan galalka dacwadana waa in ay si fiicn u fiiriyaan”.
Inta badan Buslshada ku dhaqan Muqdisho ayaa ka cabta caddaalad darro ay kala kulmaan hey’adaha garsoorka dalka waxaa uuna horay u ballan qaaday madaxweyne Farmaajo in maamulkiisa uu diiradda saari doono arrimaha la xiriira garsoosrka.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Wasaaradda Cadaaladda Oo Ugu Baaqday Xarunta CID-da In Si Sinaan Ah Ay U fiiriso Dacwadaha Shacabka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.