Wasaaradda Dastuurka, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo shir wadatashi ku qabtay Muqdisho

0
389

jowhar Somali News Leader
Waxaa magaalada Muqdisho ku qabsoomay shirka wadatashiga ee lagu turxaan bixinayo is waafajinta xulushada qaabeynta Dowlad Goboleedyada iyo qodobka 49aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah, waxaana shirka si wadajir ah u qabtay Wasaaradda Arrimaha Dasturka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Qaranka.
Shirka oo uu furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Gudigga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, masuuliyiin ka kala socotay Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha iyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha.
Ugu horeeyn Guddoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Khaliif Cabdikariin Maxamed oo shirka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda sida dhow ay u wadashaqeeyaan isagoo sheegay in shirkan uu muhiim u yahay qaranka.
Wasiirka Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac oo shirka furay ayaa sheegay inay ka go’antahay la shaqeeynta hay’adaha dowladda ee ay shaqada ka dhaxeeyso.
“Waxaa farxad ii ah anigoo dhawaan la wareegay shaqada Wasaaradda inaan maanta ka soo qaybgalo kulan howleedkan, waxaa naga go’an ka miro-dhalinta dib-u-eegista Dastuurka taasina waxay ku imaaneysaa inaan wadashaqeyn wanaagsan la yeelano dhamaan Gudiyada iyo hay’adaha dowladda” ayuu yiri Wasiirka.
Ugu dambayn, waxaa shirkan inta uu socdo looga doodi doonaa is waafajinta xulushada qaabaynta Dowlad Goboleedyada iyo qodobka 49aad ee Dastuurka.



#td_uid_1_5cb85ba0624fe .td-doubleSlider-2 .td-item1 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/dus.-80×60.jpg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5cb85ba0624fe .td-doubleSlider-2 .td-item2 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/dus.1-80×60.jpg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5cb85ba0624fe .td-doubleSlider-2 .td-item3 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/dus.2-80×60.jpg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5cb85ba0624fe .td-doubleSlider-2 .td-item4 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/dus.3-80×60.jpg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5cb85ba0624fe .td-doubleSlider-2 .td-item5 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/dus.4-80×60.jpg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5cb85ba0624fe .td-doubleSlider-2 .td-item6 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/dus-80×60.jpg) 0 0 no-repeat;
}





shir wadatashi


1 of 6























































































The post Wasaaradda Dastuurka, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo shir wadatashi ku qabtay Muqdisho appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Wasaaradda Dastuurka, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo shir wadatashi ku qabtay Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.