Wasaaradda Maaliyadda oo qabatay kulan lagu soo bandhigay Sharciga Maamulka Dakhliga iyo dhiirigilinta Canshuur bixiyaha

0
145

Munaasabad lagu shaacinayey ahmiyada sharciga dakhliga iyo dhiirigalinta canshuur bixiyayaaasha ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, taasoo ay soo agaasintay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Culimaa’udiin, aqoonyahao, Ganacsatada, Haweenka iyo marti Sharaf kale ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadan oo lagu soo bandhigayey faa’iidooyinka sharciga dakhligu u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Munasabaddan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay kororka uu sameeyay dakhliga gudaha muddooyinkii ugu dambeeyay, taasoo ay sheegtay wasaaradda Maaliyadda in ay sabab u tahay canshuuraha gudaha iyo ganacsatada oo fahmay.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdulaahi Sheekh Cali (Qolocoow) ayaa waxa si weyn uga hadlay heerarka kala duwan ee ay soo martay Wasaaradda iyo halka ay maanta joogto uu ku tilmaamay meel wanaagsan, waxaana u xusay dadaalka iyo taageerada madaxda ugu sareysa dalka la garab istaageen hogaanka Wasaaradda si loo xaqiijiyo waxyaaba maanta lagu faanayo.

Sidoo kale howlwadeenada Dakhliga  ee wasaarada maaliyadda ayaa uga mahadceliyey dadweynaha sida ay wanaagsan ee ay u bixyaan canshuuraha. Inta ay socotay munaasabadan ayaa waxaa hab sugaaneed loogu soo bandhigay ahmiyada ay bixinta canshuurtu u leedahay marka laga hadlayo wax ka qabashada dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Amniga, Waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha.

Munaasabada ayaa sidoo kale intii ay socotay waxaa shahaadooyin isugu jiray abaalmarin iyo dhiirigalin lagu guddoonsiiyey qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed, Agaasimiyaasha waaxaha dakhliga, canshuuraha iyo howlwadeenada ka shaqeeya qeybaha kale Maaliyadda dalka.

Dhamaadkii Bishii Oktoobar ee sanadkan ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo ayaa si rasmi ah u saxiixay Sharciga Maamulka Dakhliga dalka, kaasoo uu madaxweynuhu ku tilmaamay mid la jaan qaadi kara habka casriga ee dunida ee lagu maareyo bixinta iyo qabashada canshuuraha..

The post Wasaaradda Maaliyadda oo qabatay kulan lagu soo bandhigay Sharciga Maamulka Dakhliga iyo dhiirigilinta Canshuur bixiyaha appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Wasaaradda Maaliyadda oo qabatay kulan lagu soo bandhigay Sharciga Maamulka Dakhliga iyo dhiirigilinta Canshuur bixiyaha

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.