Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Oo Ka Digeysa In La Qalo Xoolo Aan La Baarin

0
375

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aan la qali karin xoolo aysan Wasaaraddu ogeyn.
Warkaan ayaa Soo baxay Xilli Maanta Xarunta Wasaaradda lagu qabtay Shir jaraa’id kaas oo diiradda lagu saarayay Badqabka ilaalinta Xoolaha.
Agaasimaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maxamed Cumar ayaa sheegay in ay soo dhowdahay Ciidul Adxa waddanka lagu qalo xoolo badan oo ay bixiyaan hay’ado taasina ay keentay in labaaro xoolaha si loo ilaaliyo badqabka xoolaha la qalayo.
“Waxaa nagu soo dhow Ciidul Adxa waxaa la qalaa xoolo badan waliba guri kasta ayaa la geeyaa Wasaaradda waxaa ay qabtaa xoolo badan oo ay ka mid yihiin horumarinta Xoolaha wasaaradda waxaa ay xoogga saartaa caafimaadka iyo nafaqeynta Xoolaha”.
Inta badan xoolaha lagu qalo kawaannada dalka ayaa marin baaritaanno Caafimaad oo lagu ogaanayo bad qabka xoolaha la qalayo tallabadan ay ku dhawaaqday wasaaradda ayaa ah mid wax ka badali karta badqabka xoolaha haddii loo fuliyo sida ay tahay.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Oo Ka Digeysa In La Qalo Xoolo Aan La Baarin

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.