WASIIR is-casilay, AMIIR FAHAD iyo qodobo kale – 10 waxyaabood oo kulanki BF ee shalay laga bartay

0
285

1- ABUUR AGENDA: In guddoomiyaha baarlamaanka uu jeebkiisa ka keensan karo Agenda aan ku qorneen warqadihii loo qeybiyay xildhibaanada.2- AMIIR FAHAD: In aysan jirin cid u yeeri karta Fahad Yaasin, si uu u hor yimaado, waxna uga weydiiso howsha uu bulshada u haayo.3- BANNAD KULAN: In xildhibaanadii laga cod bato ay bannadi karaan kulanka is-hortaagna ku sameyn karaan dhaqan galinta waxii looga cod batay.4- GACAN TAAG CUSUB: In gacan taag loogu codeyn karo saxaafadda, si labbo midkood u noqoto, in ay gudaha joogaan iyo in ay dibad joog ahaadaan.5- XAKAMEYN LA’AAN: In guddoomiyaha baarlamaanka uusan aheyn mid xakameyn karo kulamada baarlamaanka marka buuq yimaado, awoodda kaliya uu muujiyana ay tahay in uu xiro kulanka, taas oo aan aheyn mid xal u ah baarlamaanka.6- ISKU DAY FASHILMAY: In wasiir ka tirsan xukuumadda uu amar ku bixiyay in saxifiyiinta laga qaado Memory-ga si looga tirtiro waxii ay ku duubeen, balse saxafiyiinta ayaa sameeyay qorshe la yaab leh oo ahaa in ay Memoryadii u dhiibteen qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ah7- WASIIR IS CASILAY: Wasiir ka mid ah xukuumadda Kheyre oo hortaagan kaamirada ayaa inkiray in uu wasiir yahay (wasiir maahi), ka dib markii qaar ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ay dhaheen “Wasiir ilaahey ka baq, oo runta sheeg”,8- AL-SHABAAB AYAA KU JIRA BAARLAMAANKA: Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa ah shabaab sida uu sheegay wasiir Cabdullaahi Goodax Barre.9- BAAQASHO BADAN: Kalfadhiga Shanaad ee golaha shacabka ayaa noqday midka ugu baaqashada badan (Sabti, Isniin iyo maantoo Sabti ah), sababo buuq iyo kooram la’aan dartood.10- KALSOONI DARRO: Xukuumadda hadda jirta ayaa ah mid aan isku kalsooneen, cabsi weyna ka qabta in ay hortimaado shacabka si ay wax uga weydiiyaan xaaladaha taagan iyo waxa ay ka qabteen howlaha loo igmaday.W/Q:- Nuune Ali HassanAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid 




SOURCE: WASIIR is-casilay, AMIIR FAHAD iyo qodobo kale – 10 waxyaabood oo kulanki BF ee shalay laga bartay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.