Wasiir Kuxigeenka arrimaha dibedda Masar oo booqasho ku tagay Hargeysa

0
281

jowhar Somali News Leader
Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Masar iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa, maalin kaddib markii uu booqday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiiisa ku qaabiley wafdiga uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda dalka Masar Mr. Xamdi Sanad Luza.
Kulanka labada dhinac ay yeesheen ayaa looga hadlay arrimaha ganacsiga, xoolaha iyo kalluunka, waxbarashada iyo isdhex-galka xiriirka labada dhinac.
Madaxweynaha Somaliland ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay Somaliland ka siiso dhanka waxbarashada.
Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibadda Masar ayaa waxaa magaalada Hargeysa ay joogi doonaan maalmo kooban.
Dowladda Masar ayaa dooneysa in Itoobiya aan saldhig dhinaca Badda ah laga siin xeebaha Soomaaliya, waxaana wasiirka maanta Hargeysa tagay uu ka baxay Muqdisho isaga oo la kulmay madaxda dowladda Soomaaliya.

The post Wasiir Kuxigeenka arrimaha dibedda Masar oo booqasho ku tagay Hargeysa appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Wasiir Kuxigeenka arrimaha dibedda Masar oo booqasho ku tagay Hargeysa

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.