Wasiirka amniga DF oo ka carrooday fal ay ciidamada DF ka geysteen Muqdisho

0
274

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Dowlada Somalia Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa maanta kulan la qaatay ehelada iyo Xildhibaanada ku matala Golaha Shacabka dad shalay dhimasho iyo dhaawac ka gaaray howlgal Ciidamada Dowladda ay ka sameeyeen Degmada Wadajir.Waxa ay ka dambeysay kadib markii ciidamada oo Jid-cakaaro hawlgal burburin dhismayaal sharci daro ka waday ay weerar kala kulmeen rag hubeysan oo ka mid ah dadka degan halkaasi.Wasiirka Amniga waxa uu sheegay inaanu ka warqabin howlgalkaasi khasaaraha geystay balse taa bedelkeeda waxa uu tilmaamay inuu sameynaayo baaritaano degdeg ah.Wasiir Ducaale, ayaa sheegay in aan la qaadan doonin in lagu xadgudbo dad shacab ah isla markaana aan lagu soo wargalin howlgalkaasi isaga oo mas’uul ka ah amniga.Ducaale, waxa uu sheegay inaanu aqbali doonin in magaciisa lagu dhibaato dad shacab ah, waxa uuna ku dhawaaqay in dowlada Somalia ay dhacdadaasi ku sameyn doonto baaritaano degdeg ah.Nuqul kamid ahaa haddalkiisa ayaa ahaa  “Cadeymo ayaan radin doonaa gaal iyo muslim waxay qabaan qofka dhaawaca ah in la daaweeyo Shabaab xitaa hadii uu yahay, marka taas balan waaye talaabo ayaan ka qaadi doonaa, aniga oo amniga masuul ka ah marnaba ma rabo in magaceyga dad lagu dhibateeyo.”Arrintaani ayaa cirka gashay kadib markii raggii dhaawaca ahaa ee la dhigay isbitaalka Madiina ay la baxeen ciidamada ammaanka, waxayna taasi qasabtay in kulan deg deg ah ay yeeshaan wasiirka amniga iyo ehelada raggii dhibaatada ay soo gaartay.Dhinaca kale, amarka lagu weeraray dadkaasi ayaa la sheegay inuu bixiyay Taliyaha booliska qeybta gobolka Banaadir ninka lagu magacaabo Saadaq Joon.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Wasiirka amniga DF oo ka carrooday fal ay ciidamada DF ka geysteen Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.