Wasiirka Amniga Jubbaland oo socdaal qarsoodi ah ku yimid Muqdisho iyo qorshe dowladda…

0
308

jowhar Somali News Leader
Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi (C/rashiid Janan) ayaa shalay gelinkii dambe socdaal qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyeen Wasiiru dowlaha Gaadiidka iyo Wasiir kuxigeenka Amniga.
C/rashiid Janan ayaa ka mid ah Wasiirada aadka ugu dhow Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dhowaan ay ku soo fool leedahay doorasho, waxaana socdaalk uu ku yimid Muqdisho ka soo baxaya warar kala duwan.
Wasiir C/rashiid Janan ayaa la dejiyay Xarunta NISA, waxaana wararku sheegayaan in dowladda Federaalka kala hadli doono arrimaha doorashooyinka Jubbaland oo dowladda Federaalka dooneyso albaab ay ka gasho.
Dowladda Federaalka ayaa muddo waxay qorsheyneysay inay saameyn ku yeelato doorashada Jubbaland, iyadoo u gashay dadaal kasta oo gaaray heer dalalka deriska ay kaashato, hase ahaatee aanay weli ku guuleysan, iyadoo uu xumaaday xiriirkii Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka.
The post Wasiirka Amniga Jubbaland oo socdaal qarsoodi ah ku yimid Muqdisho iyo qorshe dowladda… appeared first on Jowhar.




SOURCE: Wasiirka Amniga Jubbaland oo socdaal qarsoodi ah ku yimid Muqdisho iyo qorshe dowladda…

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.