Wasiirka arrimaha dibadda oo xog dheeri ah ka bixiyay ceyrintii Nickolas Haysom

0
238

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay ceyrintii Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom.Wasiir Cawad, ayaa si cad u sheegay in Haysom uu u dhaqmay sidii inuu yahay ninka ugu sareeyo dalka, taasina ay cay ku tahay sharafta iyo dhaqanka Qaramada Midoobay, kadib wareysi uu wasiirka siiyay BBC-da.Wuxuu sidoo kale sheegay in arintaasi gaf weyn ku tahay dowladnimada Soomaaliya, waxaana uu warqadii ugu dambeysay uu usoo qoray wasiirka amniga, isaga oo ismooday in wasiirka amniga uu ka talo qaato Mr Haysom, sida uu yiri wasiirka arimaha dibadda.“Mr Haysom wuxuu dhinacmaray nidaamka diblumaasiyadeed, wuxuu u dhaqmay sidii inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya marka wuxuu Caay ku yahay dhaqanka Qaramada Midoobay, wuxuuna gafweyn ka galay qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliyeed”“Marar badan ayuu qalaladaad sameeyay oo warar uusan dowladda kala tashan sameeyay, tii ugu dambeysay waxay aheyd waraaq uu u qoray wasiirka amniga oo ula hadlayo sidii inuu wasiirka amniga isaga ka amar qaato”ayuu yiri wasiir Cawad.“Waan u sheegnay xoghayaha guud ee QM in Haysom aan laga rabin Soomaaliya, waxaana fileynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu uga baxo, inta uu ku urursan karo agabkiisa ayaan sugeynaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cawad.Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayuu sheegay inay ku wargeliyeen in Haysom sida ugu dhaqsiyaha badan uu kaga guuro dalka Soomaaliya, maadaama aan dalka laga rabin islamarkaana ka sii shaqeyn karin.Wasiirka arimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobay aysan ka madax banaaneen dalka, laakiin Haysom uu marar badan qaatay go’aano uusan cidna kala tashan.Ugu dambeyn dalka Soomaaliya ayuu sheegay in Dad Soomaaliyeed ay madax ka yihiin islamarkaana ay leeyihiin go’aanadooda.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Wasiirka arrimaha dibadda oo xog dheeri ah ka bixiyay ceyrintii Nickolas Haysom

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.