Wasiirka Arrimaha Gudaha Punland oo eedeyn kulul u soo jeediyay Ra’iisul Wasaare Kheyre

0
213

jowhar Somali News Leader
Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya in uu diiday hab-maamuuskii iyo soo dhaweyntii ay u diyaarisay Puntland xilli uu shalay galab booqday waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Maxamed C/Raxmaan Dhabana-cad ayaa waxaa uu sheegay in isaga iyo wasiiro kale ay Garowe uga tageen sidii Ra’isal wasaaraha ugu soo dhaweyn lahaayeen Gaalkacyo qeybteeda Waqooyi.
Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in R/Wasaare Kheyre uu u dhaqmay si mas’uuliyad darro ku jirto uuna ka doortay soo dhoweyntii ay ugu talogaleen inuu dhex galo dhalinyaro.
Wasiir Dhabana-Cad ayaa xusay in Isimada iyo waxgaradkii ay u diyaariyeen soo dhaweynta Ra’isalwasaaraha ay ka raalli gelinayaan waxa dhacay.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo qeybteeda Koofureed,waxaana uu halkaas kula kulmayay Bulshada ku nool magaaladaas.
The post Wasiirka Arrimaha Gudaha Punland oo eedeyn kulul u soo jeediyay Ra’iisul Wasaare Kheyre appeared first on Jowhar.




SOURCE: Wasiirka Arrimaha Gudaha Punland oo eedeyn kulul u soo jeediyay Ra’iisul Wasaare Kheyre

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.