Wasiirka Gaashaan-dhigga Soomaaliya oo ka hadlay arrin wasaaraddiisa lagu xaman jiray.

0
463

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaan-dhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal ayaa waxa uu ka hadlay Arrin dhowr jeer oo hore lagusoo eedeeyay Wasaaradda  Difaaca oo aheyd in la askareeyo Caruur yar yar oo aan qaan-gaarin.

Wasiirka ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay  Qoraal uu kusoo lifaaqay Caruur yar-yar oo ku labisan Dharka Ciidamada, Islamarkaana sito Qoryo ah Nooca loo yaqaanno AK47-Ka .

       Qoraakii iyo sawirkii uu Wasiirku baahiyay

Si rasmi ah Looma Oga wax-yaaba Ku qasbay Wasiir Mursal in uu sheekadaasi uu si gooni ah usoo qaado, iyadoo laga filan karay Arrimo kale oo ku aadan hanaanka dib looga xoreeynayo Gobolada Dalka Ururka Alshabaab iyo Sidoo kale Dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya .

Wasiir Mursal inta badan dadka yaqaanna kuma sheegaan Xirfadaha Ciidamada iyo aqoonta dagaalka, Laakiin Wasaaraddiisa ayaa waxa ay tahay  mid si weyn ay Soomaalida indhaha ugu hayaan,  sida loo hor mariyo inta uu hayo.

Soomaaliya , waxey ka mid tahay dalalka kuyaalla Qaaradda Afrika ee bari lagu xasuusan jiray Hufnaantii ay lahaayeen Ciidamadeeda iyo sida ay guulo uga soo hooyeen wadamo kuyaalla Dunida , gaara ahaan Colaado dalka uu la galay Qaar kamid ah Wadamada Jaarka ah.

Ciidamada Soomaaliya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ay soo bandhigeen Wargeysyo Caalamiya Muuqaallo Caruur la askareyay oo ka mid ah . iyadoo Dowladda Soomaaliyana ay beenisay.

Lama Oga in Wasiirka Caruurtan Tuuteysan uu Soo bandhigay in ay hadda ka tirsanyihiin Ciidamada iyo in ay yihiin Kuwii horay loo baahiyay.

Laakiin Qoraalkan ayaa kusoo aadaya Wasiirka uu baahiyay Xillo Soomaaliya ay ku jirto Dagaal ka dhan ah Maleeshiyaadka Alshabaab iyo Daacish.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.