Wasiirkii Waxbarashada DFS Oo Xilka Laga Qaaday

0
298

Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xilkii waxaa looga qaaday wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka C/raxmaan Daahir Cusmaan.
Wareegtadan ayaa lagu sheegay in howshii wasiirka uu si KMG ah usii wadi doono wasiiru dowladaha wasaaraddaasi C/raxmaan Maxamuud Cabdulle.
Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Xildhibaan Aadan Isxaaq Ali ayaa Warbaahinta dowladda ka akhriyey Digreetadan.
Inkasto oo aan la shaacin sababta xilkan looga qaaday wasiirka ayaa hadana waxaa jirta hadal shalay uu yiri, kaasi oo ahaa “innaga ma jirto Jaamacad aan aqoonsanahay, oo jaamacad ahaan, oo aan dhihi karno jaamacad waan aqoosanay, oo Academic Function ay leedahay, qaabka ay u sameysan tahay, tacliinta ay bixineyso, waan aqoosanahay, jaamacad aan dhihi karno ma jirto”
“Waan qiyaaseynaa in jaamacaad badan oo dalka ku yaallo ay soo buuxinaayaan standards caalamiga ahaa ee jaamacaduhu lahaayeen ama wax u dhow, laakin weli iskuma imaan, oo aanan wasmeysay standardskaas, markii aan kaas sameysanno, oo aan rabno inaan Control-no ayaa dhihi karnaa Jaamacaddan waan aqoosnahay, waxaan ku aqoosanahay shuruudahaas 1,2,3, 4 xataa Jaamacadda umadda”
Goobjoog News






READ MORE FROM THE SOURCE: Wasiirkii Waxbarashada DFS Oo Xilka Laga Qaaday

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.