WAX KA BARO TAARIIKHDA XIDIGA MUSA DEMBELE.

0
264

Akhristeyaasheena Sharafta leh shabakada Laacibada.com ayaa halkaan idinkugu soo Gudbinaysa Taariikhda Ciyaaryahanka Musa Dembele oo kamid ah Ciyaaryahanada ka xamaasha Horyaalka Premier leage England.

Waxaan u Balan Qaadaynaa Akhristeyaasheena in maalin waliba oo Jimco ah aan idiin soo Gudbin doono Taariikhda mid kamid ah Ciyaaryahanada Dunida Hadaba ku Xidhnoow oo yeeysan ku Seegin.

Hadaba waa kuma Musa Dembele.

doonaa Musa Dembele magaciisa saxda ahna uu yahay  mousa sidi yaya Dembele  waxaa uu dhashay 16kii july sandkii 1987kii.

Waa xirfadle kubada cagta ah oo u dhashay dalka Bilgimka kaa oo si gaar ah uga ciyaara booska daafaca qadka dhexe

Waxaa haatan uu ka xamaashaa Horyaalka Premier leage-ga England oo waxa uu ka tirsan yahay Kooxda Tottenham

Ilaa iyo haatan inta uu kusoo biiray xirfada kubada cagta waxaa uu gacanta ku dhigay 60 koob oo kala duwan.

Waxaana xidigan mar si wayn loogu tixgelin jiray booska uu haatan ka ciyaaro ee ah daafaca qadka dhexe.

Dembele waxaa uu kasoo bilaabay xirfadiisa kubada cagta horyaalka Beljinka.

Isagoona kamid ahaa koox lagu magacaabi jiray Germinal Beerschot  ka hor inta aysan dhicin kooxaha Eredivisie ee Willem II iyo AZ gudaha dalka Nederland.

Waxaa uu ku guulaystay in magaciisa si wayn looga hadal hayo horyaalka Cruyff Shield xili ciyaareedkii 2009.

mousa sidi yaya Dembele intaasi kadib sanadkii 2010kii waxaa uu u soo boqoolay horyaalka Premierl leage-ga ingariiska isagoona ku biiray kooxda Fulham ka hor inta uusan imaan Naadiga Haatan uu ka tirsan yahay ee  Tottenham isagoo ku yimid tottenham dhaqaale gaaraya 15milyan oo yuro waxa ay ahayd bishii ougosto sanadkii 2012kii.

 

Sidoo kale wax uu soo galay Musa numberka 91aad ee qiimaynta wargayska The Guardian uu ku sameeyay 100ka  xidiga ee ugu wanaagsan horyaalka England sanadkii 2012kii.

Markaan dib ugu laabano nolasha xidiga Musa Dembele waxaa uu ku dhashay wilrijk,Antwerp deegaan lagu magacaabo oo ku yaala dalka Bilgimka.

Aabihii waxaa uu ka yimid dalka Mali halka hooyadii oo lagu magacaabo Tilly Huygens ay kasoo jeedo dalka Bilgimka gaar ahaan waxa ay kasoo jeedaa qabiil lagu magacaabo Flemish oo aad ugu badan magaalada ethnicity.

Badana ninkaan magaciisa ayaa loo qoraa mousa oo ah magaciisa 1aad  isagoo doonaya in hingaada magaciisa aan la qaldin ayaa bartiis twiterka waxaa uu ku soo qoray mousa sida kale magaca uga diiwaan gishan kooxdiisa qaranka iyo mida uu ka tirsanyahya ayaa ah isla kaasi oo u qoran isatan MOUSA.

Sidoo kale waxaa uu ka codsadaa warbaahinta wax ka qoraysa xidigan in aysan qaldin hingaada magaciisa.

Waraysi laga qaaday sanadkii 2016kii ayuu ku sheegay in arinta ku aadan magaciisa oo si sax ah loo qoro ay tahay mid uu ku dadaalayo.

Soccer Football – Premier League – Tottenham Hotspur vs Chelsea – London, Britain – August 20, 2017 Tottenham’s Mousa Dembele in action with Chelsea’s Marcos Alonso REUTERS/Dylan Martinez EDITORIAL USE ONLY. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or “live” services. Online in-match use limited to 45 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications. Please contact your account representative for further details.

Kooxaha uu xidagn soo maray

Xidigan waxa uu u soo ciyaaray kooxo badan sida kooxda lagu magacaabo  K. Berchem Sport  oo ah koox ku diiwan gishan magac dhalinyaro.

Waxa uu ka bilaabay xirfadiisa kubada cagta koox kale oo lagu magacaabo Germinal Beerschot waana koox ka diiwan gishan horyaalka permier leage-ga wadankaasi biljimka.

Waxa uu sameeyay kulankiisii ugu horeeyay ee uu kasoo muuqday garoonka kooxdaasi sanadkii 2004tii xiligaa oo ay ciyaar xiiso badan kala hortagayeen Naadiga Charleroi .

Dembele waxaa uu ku qarash gareeyay xili ciyaareedkii 2005tii 2006dii  kooxda Eredivisie la Willem waxaana xili ciyaareedkaasi uu u ahaa kooxdaasi mid ay si wayn hoos u dhac ugu jirtay.

Xaalad ay kooxda ku jirta oo aad u adkayd mousa ayaa waxaa uu dhaliyay ilaa sagaal gool iyadoona markii uu dhamaaday xili ciyaareedkaasi uu aad usoo jiitay masuulka kooxda ugu sareeyay kaa oo go’aan dag dag ah ku gaaray in uu dhaqaale badan ku sii helo xidigan waxaana qaadatay koox lagu magacaabo AZ inta lagu gudo jiray xili ciyaareedkii 2006di.

Sanadkii 2006dii-2007dii waxaa uu ahaa kamid ahaa mid kamid ah xidigaha ugu wanaagsan kooxdii lois vangaal.

Waxaa hami wayn ay ka qabeen in ay ku guulaystaan koobka champion shipka balse nasiib daro taasi ma dhici oo koox lagu magacaabi bsv ayaa taako u dhigtay kadib ciyaar xiiso badan oo ku soo dhamaatay  3-2

Sidaa darteed cel celis ahaan kooxdaasi aya ku dhamaysatay kaalinta 3aad.

Fulham

Dembele waxaa uu aad xiiso ugu qabay in uu kasoo muuqdo horyaalka Premier leaga marki ugu horaysay waxaa uu biiray kooxda Brimingham city waxaa si rasmi ah uu u xirtay fanaanadooda 12 ougosto 2010kii.

Waxaana uu uga gudbay naadi lagu magacaabo fullham 18 Aougost isla sanadiii 2010kii.

Fullham waxa ay shaacisay in in Mousa Dembele uu kaga soo biiray naadiga AZ islamarkaan uu saxiixay heshiis ku kacaya ilaa sadex sano waxaana uu qaatay xiligaasi aduun lacageed oo gaaraya 5 milion oo yuuro.

Waxaa uu bilaabay qaab ciyaareed cajiib ah markii uu kusoo biiray kooxda fullham waxaa uu sameeyay kasoo muuqashadiisii ugu horaysay ee kooxdaasi 22 Augosto sanadkii 2010kii.

Ciyaar xiiso badan oo kooxdiisa fullham ay kaga hortagtay man united

Goolkiisii ugu horeeyay waxaa uu ka dhaliyay 25kii Augosto kooxda Port Vale kulan ka tirsanaa leage cup-ka.

Todobaadkii xigay ninkaan ayaa hadana waxaa caawiyay 2ba gool kulan xiiso badan oo ay kooxdiisa kala hortagtay balackpool.

 

                              

                     Tottenham Hotspur

 

mousa sidi yaya Dembele oo waayo wanaagsan ku soo qaatay naadiga fullham ayaa markaan usoo wareegay kooxda haatan uu ka tirsan yahay ee Tottenham.

29 augosto sanadkii 2012kii ayaa waxaa kooxda tottenham ay si rasmi ah u shaacisay in uu kusoo biiray xidaga Mousa Dembele.

Kadib markii ay bixisay heshiis ku kacaya 15 milyan oo yuuro.

Waxaa uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxdan 1dii September ciyaar ay kala hortageen Norwich city taa oo kusoo idlaatay 1-1 oo guridooda lagu ciyaarayay.

Waxyaabaha xidigan sida wayn loogu xusuusto ayaa waxaa kamid ah in uu ka caawiyay kooxdiisa in uu u dhaliyo gool cajiib ah ciyaar socotay 90 daqiiqo oo ka saaciday tottenham in ay u soo baxdo isreeb reebkii loogu jiray 16ka kooxood ee markaasi ka qayb galayay leage UEFA Europa League kalankaasi waxa ay la ciyaarayeen kooxda Olympique Lyonnais.

06 may 2016 dembele waxaa la duldhigay ganaax adag oo ahaa in 6 kulan uusan garoomada kasoo muuqan Karin kadib markii lagu eedeeyay in uu indhaha jug ka gaarsiiyay xidigii chalsea diego cost.

Maahayn go’aan uu qaatay garsoore ee waxaa ciqaabtaasi kusoo rogay xidigani xiriirka FA’GA.

Dhaawacyo soo gaaray xidigan ayaa waxa ay sababeen in inta badan ciyaarahii 2016-2017 uu seego.

              Ciyaaraha Caalamiga ah.

 

mousa sidi yaya Dembele waxa uu kasoo muuqday kulankiisii ugu horeeyay ee uu matalo xulkiisa qaranka 2okii may sanadkii 2006dii.

Kulan ay wajaheen Slovakia isagoo garoonka kusoo galay badalka Luigi Pieroni.

Waxuu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee caalami ah bishii October 2006dii ciyaar way wajaheen xulka qaranka azar bajan.

Waxaa sidoo kale uu kasoo muuqday ciyaarahii xagaaga olampga ee sanadkii 2008dii.

Halkaasi oo uu kusoo bandhigay bandhig la taabankaro ciyaar ay wajaheen xulka qaranka italia oo 3 iyo 2ba ay guusha ku raacday italia.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.