Xulalka England iyo Croatia ayaa isaga hor iman doona kulanka 2-aad ee semi-finalka koobka adduunka Russia 2018 kulan ka dhici doona garoonka Luzhniki Stadium.
Taariikhda ayaa taageerayasha xulka England ka hor kulankooda caawa marka laga hadlayo kulamada tooska ah ee ay labada xul wada ciyaareen.
Xulka Saddex libaax ayaa ku rajo weyn in ay koobka adduunka ku guulaystaan markii ugu horaysay tan ilaa 1966 halka uu xulka Croatia isha ku hayaan in ay markii ugu horaysay gaaraan Finalka koobka adduunka taariikhdooda.
Kulanka: England Vs Belguim
Tartanka: Koobka Adduunka
Wakhtiga: 9:00 Habeenimo
Garoonka: Luzhniki Stadium
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Labada xul ayaa hal mar kulmay marka laga hadlayo tartamada waaweyn waxana 4/2 ku badiyay xulka qaranka England kulan ka tirsanaa wareega Grou-yada tartankii Euro 2004.
Kulankan ayaa noqon doona midkii 8-aad ee ay wada ciyaaraan tartamada oo dhan iyada oo uu xulka England badiyay 4 kulan sidoo kale Croatia badisay 2 kulan hal kulana bar-baro ku kala baxay.
Guushii Ugu dambaysay ee xulka Croatia ka gaaray xulka England ayaa dhacay 2007 markaas oo ay 3/2 ug badiyeen Wembley guushaad oo England ka reebtay u soo bixista tartankii Euro 2008.
Lix kulan oo ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee dhex maray labada xul ayaa sidoo kale la ciyaaray maalin Arbaca Ah.
READ MORE FROM THE SOURCE: Waxbadan ka ogoow kulanka: England Vs Crostia: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Ugu Dambeeya Ee Semi-finalka Koobka Adduunka.