WAYNE ROONEEY OO HESHIIS RASMI AH LA GAARAY DC UNITED.

0
188

Xidiga Kooxda Everton oo maal mihii lasoo dhaafay si wayn loo hadal hayay in uu isaga tagayo kooxdaasi uuna aadi doono Horyaal MLS ee Dalka Maraykanka ayaa haatan waxaa muuqato in hadalkaasi uu yahay mid dhab ah.

Rooneey ayaa lagu soo waramayaa in Xidigaha ay iskala tirsanyihiin Kooxdiisa Everton uu saaka si rasmi ah u macsalaameeyay uuna u sheegay in uu ku biirayo kooxda DC United.

Qaar kamid ah Wargaysyada wax ka qora arimaha Ciyaaraha ayaa waxa ay Daabacayaan sheekooyin ku aadan in dhamaan Xidigaha Kooxda ay si wayn uga xumaadeen marka ay maqleen hadalka Wayne Rooneey oo ahaa Hogaamiyahooda.

Rooney ayaa waxaa muuqanaysay mudooyinkii ugu dambeeyay in uusan ku qanacsanayn hanaanka ay wax ku wadeen maamulka waxaana taasi ay keentay in uu soo gaba gabeeyo halka ciyaareed ee kooxda uu la joogay isagoona balan qaaday in xili ciyaareedka maanta soo xermaya kadib uu aadi doono DC United.

Xidigan oo ah Halyeey horay ugu soo bar baaray Naadiga Everton ayaa waxaa dad badan ay aad ula yaabeen sababta soo da dajisay ka tagi taankiisa kooxda sababtoo ah waxaa loo badinayay in uu kusoo gaba gabayn doono waayihiisa Ciyaareed.

Kooxda ayaa la filayaa in macalinkeeda uu isna isaga tago xili ciyaareedkan markuu uu dhamaado iyadoona raadin xoogan ay ugu jiraan maamulkeeda Macalin Arsen Wenger oo ay doonayaan in ay u dhiibaan.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.