Weerar caawa ka dhacay saldhig ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo

0
177

Gaalkacyo-(Caasimada Online)-Koox hubaysan ayaa caawa fiidkii weerar ku qaaday saldhig ciiddan oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyaga oo u adeegsaday weerarkaas bambo gacmeedyo iyo rasaas toos ah.
Weerarkan oo socday daqiiqado kooban, ayaa lagusoo waramayaa inay ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidanka booliska Puntland iyo dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka saldhiga la weeraray.
Dableyda weerarka geysatay oo ilaa hadda aan la garaneyn heybtooda iyo inta ay taradoodu dhameed ayaa goobta iskaga baxsaday.
Ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyada weerarkaas caawa ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana socda howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii geystay weerarkaas.
Ciidamada ammaanka Puntland ee ka howlgala waqooyiga Gaalkacyo ayaa caawa xiray waddooyinka muhiimka ah ee soo gala saldhiga, iyadoo aad loo adkeeyey dhamaan amaanka xarumaha maamulka ee ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa mararka qaar magaalada Gaalkacyo ka geysta dilal qorsheysan, kuwaas oo ay horay ka sheega jireen mas’uuliyadooda, balse weerarkaan ayeysan sheegay wali.




SOURCE: Weerar caawa ka dhacay saldhig ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.