Weerar cirka iyo dhulka oo ka socda degaanka Basra

0
314

Basra (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya tuulada Basra ee gobolka shabeelaha dhexe, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa sadlhig ay Shabaab  ku lahaayeen ay weerar ku qaadeen ciidammo ka tirsan Xoogga Soomaaliya.
Ciidamada Danab lagu magacaabo ayaa weerarkan ku qaaday halkaa, sidoo kalana waxaa wehlinaya ciidamo Ameerikaan ah.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogag dalka Soomaaliya ayaa u sheegay Warbaahinta  in deegaanada ay howlgalka ka wadaan kala wareegeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa ka dib markii ay ka warheleen.
Tuulooyinka howlgalka uu ka socdo ayaa ku yaalla inta u dhaxeysa Balcad iyo Magalada Muqdisho markii looga soo tallaabo Wabiga dhanka Magalada Muqdisho.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadaha ayaa sheegay in weerarro dhanka cirka ah ay socdaan, sidoo kalana waxaa socda dagaal toos ah oo udhaxeeya Shabaab iyo ciidamada weerarka ku qaaday.
Deegaanno dhowr ah oo Basro ay ku jirto  ayaa dhawaan waxaa lagu daadiyay waraaqo ay ku qoraayeen in dadka jilicsan ay deeganadaa isaga baxaan.




READ MORE FROM THE SOURCE: Weerar cirka iyo dhulka oo ka socda degaanka Basra

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.