Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo rasaas xooggan oo socota

0
298

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ismiidaamin ah ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Weerarka ismiidaaminta oo loo adeegsaday gaari raaxo ah ayaa inta badan jugtiisa laga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas xoogan oo ay ridayaan ciidamada dowlada,  waxaana lasoo warinayaa inuu ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in rasaas laga dhexmaqlaayo gudaha Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ku taal, xarunta Oto Oto ee Isgoyska Sayidka oo Qaraxa lagu dhuftay.
Waxaa xiran dhamaan wadooyinka gala Isgooska Sayidka iyo Wasaarada Arimaja Gudaha waxaana halkaa ku qulqulaaya gaadiid dagaal.
Bamgacmeedyo ayaa laga dhexmaqlayaa gudaha Wasaarada waxaana halkaa ku sugan shaqaale badan oo ka tirsan Wasaarada.
Ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha walow wararka waar ay sheegayaan in gudaha Wasaarada arimaha Gudaha laga dhexmaqlaayo Qaraxyo iyo rasaas.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo rasaas xooggan oo socota

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.