Weerar laga cabsi qabo in lagu qaado xero shisheeye oo ku taalla MUQDISHO

0
322

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan ciidamada Militeriga waxaa aad loo adkeeyay amniga Xerada Turkiga ee ku taalla duleedka magaalada Muqdisho.
Xeradani oo ay ku jiraan Saraakiil Turki ah iyo ciidamo Soomaaliyeed oo halkaa tababar uu uga socdo ayaa waxaa laga cabsi qabaa in weerar ay ku qaadan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Banaanka xerada iyo gudaheeda ayaa waxaa lagu arkaayay ciidamo dheeri ah, halka qaarna ay gaaf meerayeen banaanka xerada kuwaa oo meelo fog ka ilaalinaaya amniga.
Adkeynta amniga Xerada ayaa waxaa sidoo kale ka qeybqaadanaya diyaaro nooca loo yaqaan Helikobter-ka kuwaa oo dhowrkii saacba mar gaaf meeraya eeryada xerada.
Sidoo kale, maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer ku goodisay inay weerar ku qaadi doonto Xerada oo lagu diyaariyo ciidamo khaas ah.
Geesta kale, ciidamada Turkida ee ilaaliya Xerada ayaa aad uga feejigan weerar kaga imaada dhanka Al-Shabaab.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Weerar laga cabsi qabo in lagu qaado xero shisheeye oo ku taalla MUQDISHO

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.